Coming Up Wed 10:00 PM  AEST
Coming Up Live in 
Live
Somali radio

Coronavirus (COVID-19) Fact Sheet

SBS waxaa ka go'an in ay idiinsoo gudbiso wararka ku saabsan xanuunka COVID-19 ee dalka ka dilaacay oo Af-Soomaali ah. Qoraalkan dhabta ah waxaa ku jira macluumaad ay tahay in qofkasta oo bulshada ka mid ah uu ogaado.

 Guriga joog. Amnigaagaa ilaasho. iska warqaba.  Badbaadi nolosha dadka.

Dhibaatooyin dhaqaale

"Haddii aad wajahayso dhibaato dhaqaale booqo www.moneysmart.gov.au ama wac the National Debt Helpline 1800 007 007.

Lacagaha Jobkeeper iyo Jobseeker

Lacagta Jobkeeper waqtigeeda ayaa la dheereeyay oo waxay soconaysaa ilaa Maarso 2021, Jobseeker waxay soconaysaa ilaa December 2020. Bilaha soosocda ayay dawladu ku dhawaaqaysaa qorshaha jobseeker ee sanadka 2021.

Lacagaha waa la yaraynayaa laga bilaabo dhamaadka 2020.

Jobseeker

Hadda: $1,115

Laga bilaabo Sebtember 2020: $850

Sidoo kale laga bilaabo dhamaadka Sebtember, waxaa ku soo gali kara daqli $300 labadii asbuucba ka hor inta aysan saamayn lacagta jobseeker. Hore waxaa la ogolaa $106.

Laga bilaabo 4 Agoosto qofkasta oo qaata lacagaha shaqo la'aanta waa inay la xariiraan hay'adaha adeegyada dadka shaqo doonka ayna ugu yaraan 4 shaqo codsadaan bishiiba si loogu sii wado lacagta Jobseeker.

Jobkeeper

Waxaa loo kala qaybiyay "labo heer" mid loogu talo galay dadka fulltime (38 saacadood asbuucii) shaqeeya iyo mid loogu talo galay shaqaalaha part-time-ka ah.

Shaqaalaha full-time waxaa la siinayaa labadii asbuucba:

Hadda: $1,500

Laga bilaabo Sebtember 2020: $1,200

Laga bilaabo Janaayo 2021: $1000

Shaqaalaha Part-time-ka waxaa la siinayaa labadii asbuuc

Hadda: $1,500

Laga bilaabo Sebtember 2020: $750

Laga bilaabo Janaayo 2021 $650

Sidee COVID-19 u fidaa?

COVID-19 qofba qof ayuu gudbiyaa haddii:

  • Aad ku dhawaato qof qaba caabuqa ama 24 saacadood gudohood ka hor intaysan calaamaduhu kasoo muuqan.
  • Aad ku dhawaato qof la xaqiijiyay inuu qabo xanuunka oo qufacaya ama hindhisaya.
  • Aad taabato shay ama meel (sida miis ama meesha albaabka laga furo) qof xanuunka qaba uu ku qufacay ama ku hindhisay, kadibna aad wajigaaga ama afkaaga taabato.

Dawlada Australia waxay kula talinaysaa dhamaan dadku inay soo dajistaan COVIDSafe App. Read More

Maxay yihiin calaamadaha lagu garto COVID-19?

Calaamadaha lagu garto coronavirus waxay noqon karaan xanuun fudud ama oof wareen (Xanuun sambabada waxyeeleeya) sida laga soo xigtay websaytka dawlada federalka.

Calaamada lagu garto COVID-19 waxay la mid yihiin kuwa hargabka, waxaana ka mid ah:

  • Qandho
  • Calaamadaha neefmareenka
  • Qufac
  • Cuno xanuun
  • Neefta oo ku dhibta
  • Calaamadaha kale waxaa ka mid ah: sanka oo biyo kaa yimaadaan, madax xanuun, murqaha iyo kala goysyada oo ku xanuuna, labbo labbo, shuban, matag, urka oo kaa luma, dhadhanka oo kaa luma, rabitaankii cuntada oo kaa luma iyo daal.

Dawlada ayaa soo saartay liis calaamadaha lagu garto oo aad isticmaali karto addoo gurigaaga jooga.

https://www.healthdirect.gov.au/symptom-checker/tool/basic-details

Maxaan sameeyaa haddii aan calaamadaas isku arko?

Haddii aad calaamadaas isku aragto 14 maalmood gudohood marka aad dalka dibadiisa ka soo noqotay ama aad 14 maalmood gudohood la kulantay qof laga helay COVID-19, waa inaad dhaqtar wacdo oo balan ka qabsato ama la xariirto lambarka macluumaadka caafimaadka coronavirus oo ah 1800 020 080.  Ha tagin xarun caafimaad ama cisbitaal adiga oo aan u sii sheegin inaad calaamadaha xanuunka isku aragtay.

Intaadan tagin sii wac xarunta caafimaad ama cisbitaalka una sheeg safarkaaga ama inaad la kulantay qof laga helay COVID-19. Waa inaad isku karantiisho oo aad joogto gurigaaga ama hoteel ilaa maamulayaasha caafimaadku kuu xaqiijiyaan inaad ku noqon karto howl maalmeedkaagii caadiga ahaa.

Haddii aad doonayso inaad qof kala hadasho calaamadaha aad isku aragtay, wac lambarka qaran ee coronavirus oo talo waydiiso.

Lambarkaasi wuxuu waxaa lagaa qabanayaa 24 saacadood 7 maalmood ee asbuuca waana 1800 020 080.

Dawlada Australia waxay dalkoo dhan ka asaastay xarumo caafimaad oo ay ka shaqeeyaan dhaqaatiir neefmareenka qaabilsan oo lagu qiimeeyo dadka qaba calaamadaha lagu garto COVID-19 oo sahlan ama meel dhexaad ah sida (qandho, qufac, neefta oo ku dhibta, cune xanuun iyo/ama daal).

Si aad u ogaato halkan in xarun caafimaad oo ay joogaan dhaqaatiir qaabilsan neefmareenka gobolkaaga oo kuu dhaw iyo sida balan looga dhigto ama la iskaga diiwaan galiyo.

Haddii aysan xarun ku oolin xaafadaada, booqo health Direct ama website-ka wasaarada caafimaadka gobolka.

Haddii neeftu kugu dhagto ama xaalad caafimaad oo degdeg ah aad gasho, wac 000.

0:00

Ma inaan iska baaraa COVID-19?

Golaha Qaranka Australia waxay isku raaceen in la balaariyo sharuudaha dadka laga baarayo xanuunka oo loo furo dhamaan qofkasta oo iska dareema calaamad yar oo COVID-19 si dhaqso loo helo dadka qaba xanuunka.

Sidee loo daaweeyaa caabuqa?

Ma jirto daawo gaar ah oo uu leeyahay coronavirus, laakiin calaamadaha intooda badan waxaa lagu daaweeyaa waxyaabo kaalmaati ah. Antibiyootiku waxba kama qaban karto caabuqa.

Yaa halis u ah xanuunkan?

Dadka qaar uu ku dhaco maba dareemaan, qaarna calaamado yar ayay yeeshaan, markiina si sahlan ayay ugasoooo kabsadaan, qaarna aad ayay ugu xanuunsadaan. Iyadoo la isticmaalayo qibradaha coronavirus-yo hore dadka halista ugu wayn ugu jira caabuqan waxaa ka mid ah:

  • Dadka Aboriginalka iyo Torres Strait Islanders oo da'doodu ka wayn tahay 50 sano oo qaba mid ama dhowr xanuunada aan bixin ah (Chronic Illness).
  • Dadka da'doodu ka wayn tahay 65 sano oo qaba xanuunada aan bixin (Chronic Illness). Xanuunada aan bixin (Chronic Illness) kuwa loola jeedo waa lasii qeexi doona markii cadaymo dheeraad ah la helo.
  • Dadka da'doodu ka wayn tahay 70 jir.
  • Dadka difaaca jirkoodu liito.

Sidee ayaan uga qayb qaadan karaa ka hortaga faafida COVID-19?

Inaad ilaaliso nadaafadda gacmahaaga, sida aad u qufacdo ama u hindhisto iyo inaad ka fogaato dad kale haddii aad xanuunsan tahay waa sida ugu fiican ee la isaga difaaci karo COVID-19, waa inaad:

  • Gurigaaga joogto haddii aysan lama huraan ahayn inaad ka baxdo.
  • Ilaaliso kala fogaanshaha bulshada oo aad mitir iyo bar u jirsato qofka aadna ilaaliso sharciga 4 mitir oo iskuweer ah dadku isu jirsadaan haddii aad ku sugan tahay goob dad badani joogaan.
  • Markasta gacmahaaga ku dhaqdo biyo iyo saabuun, ka hor iyo kadib markaad wax cunto iyo ka hor iyo kadib markaad musqusha gasho.
  • Sanka iyo afka daboosho markaad qufacayso ama hindhisayso oo aad tuurto markiiba tiishuu aad ku qufacday ma ku hindhistay aadna isticmaasho jeermis dile alkohol leh (Hand Sanitiser).
  • Haddii aad xanuun daremayso inaad iska ilaaliso  inaad u dhawwato dad kale ama aad u jirsato masaafo dhan 1.5 mitir.
  • Masuuliyad qaadato oo aad markasta oo ay macquul tahay oo aad gurigaaaga joogto.

domestic violance
SBS

Yaa ku qasban inay is-karantilaan?

1) Dhamaan dadka Australia soo galay wixii ka danbeeyay habeen barkii bisha Maarso 15, 2020 ama la kulmay qof laga helay COVID-19, waa inay is-karantiilaan mudo 14 maalmood ah.

2) Dhamaan imaanaya Australia lagsoo bilaabo habeen barkii 28 Maarso0 2020 waxaa laga doonayaa inay 14 maalmood isku karantiilaan meel gaar loogu qoondeeyay sida hoteel.

  • Dadka yimaada waxaa toos loo gaynayaa xarumo loo cayimay kadib markay maraan baaritaanada socdaalka, kastamka iyo kuwo caafimaad oo dheeraad ah.
  • Ciidanka xooga ayaa xoojinaya howlaha booliska gobolku ku booqanayaan guryaha iyo goobaha kale ee ay deggan yihiin dadka karantiilka qasabka ah ku jira iyagoo raacaya awaamiirta dawlad goboleedyada, waxayna la socodsiinayaan booliska gobolka in qofku joogo goobtii loogu talo galay iyo in kale.

3) Haddii lagaa helay COVID-19 waa inaad gurigaaga joogtaa.

  • Ha tagin goobaha dadweynaha sida shaqo, iskuul, jaamacad, xarumaha caruurta lagu hayo, goobaha dukaamada 
  • Waa Inaad codsato in cunto iyo waxyaalaha kale ee daruurigaa ah laguu soo gado oo illinka laguu dhigo
  • Ha u ogolaan in lagu soo booqdo, waxaa kuu soo gali kara dadka guriga kula deggan oo kaliya. 

Kala fogaanta bulshada 

Kala fogaanta bulshada waa hal dariiq oo lagu yaraynayo fidida caabuqyada sida COVID-19. Haddii sii kala fogaantaanba way ku adkaanaysaa in caabuqu fido.

Kala fogaanta bulshada waxaa kale oo ka mid ah inaad ka fogaato inaad taabato alaabta ama meelaha (Sida albaabada ama miisaska) ay ku qufaceen ama ku hindhiseen dad qaba xanuunka COVID-19.

Guriga joog

Golaha qaranku waxay talooyin adag ku siiyeen dhamaan shacabka Australia inay guryohooda joogaan haddii aysan:

  • Aysan soo gadanayn cunto ama waxyaale kale oo daruuri ah;
  • Baahi caafimaad ama daawo.
  • Jimicsi waafaqsan sharuucda la xariita inta qof ee isu imankara.
  • Shaqo ama waxbarasho haddii aaddan gurigaaga ku samayn karin.

Ma booqan karaa reerkayga iyo saaxiibaday oo ku jira xarun dadka waayeelkaa lagu hayo?

Guud ahaan Australia oo dhanse sharcigu waa in aaddan booqan xarumaha lagu hayo dadka waayeelka ah haddii:

  • Aad dalka dibadiisa kasoo laabatay 14 kii maalmood ee u danbeeyay.
  • Aad la kulantay qof qaba COVID-19 14 maalmood ee u danbeeyay.
  • Ay ku hayso qandho ama calaamadaha caabuq neefta ah sida (Qufac, cune xanuun, neefta oo ku dhibta).
  • Laga bilaabo 1 bisha May waa inaad ka talaalan tahay hargabka si aad u booqato xarun lagu hayo dadka waayeelka ah.

Fadlan ogow in goboladu leeyihiin sharuuc u gaar ah oo aan khilaafsanaan karin talooyinka Golaha Qaranka.

Ma inaan xirtaa maaskarada afka iyo sanka lagu xirto?

Faafka COVID-19 oo bulshada Australia isu gudbinaysay dhawaan ayaa macneheedu yahay in gobolada kala duwan ay ama ku dhiiragalinayaan ama ku qasbayaan shacabku inay xirtaan afduubka (Mask).

Afduubka ayaa hadda ama lagula taliyay ama lagu qasbay reer Victoria iyadoo ku xiran halka aad ka deggan tahay maadaama uu gobolkan aad ugu fidayo xanuunku: https://www.dhhs.vic.gov.au/face-coverings-1159pm-wednesday-22-

july

Shacabka NSW waxaa laga codsaday inay ka fakaraan inay xirtaan afduub haddii ay ku nool yihiin ama ka shaqeeyaan goob dad badan xanuunka laga helay ayna adag tahay inaad kala fogaataan.

Inkast oo afduubka loo xiran karo taxadar dheeraad ah awgiis, waa inaad sii wado:

  • Guriga joogto haddii aad xanuunsan tahay
  • Ka  fogaato dadka (1.5 mitir) markaad dibada joogto.
  • Ilaaliso nadaafada sida gacmaha oo aa dhaqato iyo inaad si amaan ah u qufacdo ama u hindhisto.

Haddii daruufaha gobolkaagu isbadalo waxaa dhici karta in talooyinka iyo awaamiirtu isbadalaan. Waa lagama maarmaan inaad la socoto talooyinkii u danbeeyay ee meesha aad degan tahay. Waxaana macluumaadkaas ku siinaya dawlada gobolkaaga.

https://www.health.gov.au/news/health-alerts/novel-coronavirus-2019-ncov-health-alert/how-to-protect-yourself-and-others-from-coronavirus-covid-19 

Socdaal aad Australia uga baxdo ama kusoo gasho.

Dadweynaha Australia waa inay ka baaqsadaan dhamaan socdaalada dalka gudihiisa ah oo aan daruuriga ahayn. Gobolada dalku waxay soo rogi karaan xanibaado iyaga u gaar ah sida inay xadkooda xiraan.

Mabaadiida Qaran ee Gaadiidka Dadweynaha 

Adeegyada gaadiidka dadweynaha waxaa masuuliyadooda iska leh maamulada gobolada, galaha qarankuna wuxuu ansixiyay dhow mabaadii oo lagu maaraynayo amniga iyo caafimaadka shaqaalaha iyo rakaabka la socda gaadiidka dadweynaha, waxaana ka mid ah in: Aaddan safrin haddii aad xanuun santahay, aad ka fogaato darawalada iyo rakaabka kale iyo inaad ka fogaato inaad lacag kaash ah bixiso ama qaadato. Dadka raacaya gaadiidka dadweynaha lagama doonayo inay xirtaan maaskarada afka lagu xirto laakiin hadday rabaan iskood way u xiran karaan. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan mabaadiida howlaha gaadiidka dadweynaha inta lagu jiro dhibaatada COVID-19 halkan booqo: https://www.infrastructure.gov.au/transport/files/COVID19_public_transport_principles_29052020.pdf  

Safarada caalamiga ah

 Dhamaan dadka dalka dibadiisa ka yimaada dhalashaday doonaaba ha haysteen ama meeshay doonanba ha ka soo safreene waa inay isku karantiilaan mudo 14 maalmood ah xarumo loo qoondeeyay ka hor inta aysan gurigooda tagin.

Dhamaan dadka Australia dib ugu soo noqda waxaa laga baarayaa coronavirus marka ay dalka soo galaan oo karantiil la galiyo iyo ka hor inta aan laga sii dayn karantiilka oo gurigooda aysan aaddin.

Waxaa laga yaabaa in lagaa qaado qarashka karantiilka. Sharuucdaasna waxaa maamulaya oo hirgalinaya dawlad goboleedyada.

Muwaadiniinta Australia iyo dad haysta deganaanshaha uma safri karaan dibada xanibaadaha coronavirus darteed.

Hase yeeshee, haddii aad doonayso inaad Australia ka baxdo waxaad online ka codsan kartaa in lagaa daayo in xanibaadu ku qabato haddii aad buuxiso sharuudaha hoos ku qoran:

  • Safarkaagu uu qayb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo faafka COVID-19 oo ay ku jirto in aad gargaar bixinayso
  • Safarkaagu uu lagama maarmaan u yahay gudashada howlo muhiim u ah shirkado ama hay'ado sida ( wax dhoofinta iyo wax soo dejinta)
  • Safarkaagu yahay mid degdeg ah oo aaddan ka baaqsan karin oo ah howlo adaiga kuu gaar ah
  • Safarkaagu yahay mid aad ku raadinayso caafimaad degdeg ah oo aaddan ka heli karin Australia.
  • Mid samafal ama binaadanimo ah.
  • Safarkaagu yahay mid danta qaran ku jirto

Xarumaha diyaaradaha lagu kala badasho.

Sharuucda socdaalku waa kuwo si degdeg ah isu badbadalaya. Haddii aad go'aansatay inaad Australia kusoo noqoto:

Si taxad ku jiro u fiiri meesha aad sii marayso, si joogto ah ula xariir diyaarada aad raacayso iyo shirkada tigidhka kuu jartay

La soco waxyaalaha ay ku dhawaaqayaan garoomada diyaaradaha ee aad ku badalanyso diyaarada iyo maamulayaasha dalkaasi

La xariir safaarada ama qunsuliyada kuugu dhaw ee dalka aad sii marayso haddii aad rabto inaad ogaato sharuudaha ku galka ama ka bixida dalkaas

Booqo www.smartraveller.gov.au si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo wararkii u danbeeyay.

Sidee  howlwadeenada Australia u maaraynayaan xanuunkan dilaacay?

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay (Xaalada degdeg ah oo looga jawaabayo xanuunka coronavirus) Emergency Response Plan for Novel Coronavirus (COVID-19).

Govenor General-ka Australia ayaa dheereeyay waqtiga uu jirayo xaalada degdega ah ee qatarta cudurkan dalka ku faafay iyadoo lagu daray 3 bilood oo dheeraad ah laga bilaabo 17 June 2020 ilaa 17 bisha Sebtember 2020.

Qodobka dadka ay ku adkaato inay iska bixiyaan korontada iyo biyaha

Dawlada ayaa siinaysa hab dabacsan oo ay reerkasta iyo ganacsatada yaryar oo dhibaato dhaqaale soo foodsaarto isaga bixin karaan biyaha ama korontada, waxaan ka mid ah qaababkaas:

  • Inaan laga goosan korontada, gaaska, biyaha iyo adeegyada kale cidkasta oo dhaqaale xumo soo wajahdo.
  • In dib loo dhigo daymaha dadka laga qaadayo iyo in aan qofkii dayn bixin waaya la galin liiska dadka daynta bixin waaya
  • In laga daayo lacagaha dheeraadkaa ee la saaro dadka la daaha bixinta qarashka iyo dulsaarka la saaro daymaha
  • In dadka iska bixin kara qaraska ay bixiyaan si shirkadu ay usii wadi kataan bixinta adeegyada

Sharuudaha lagu xiray fiisooyinka qaar oo la qafiifiyay

Dadka haysta fiisada fasax shaqeed: Waxaa laga daayay shuruudii ahayd inaysan 6 bilood ka badan u shaqayn karin hal shaqo bixiye, haddii ay ka shaqeeyaan hay'adaha lagama maarmaanka ah sida caafimaadka, xanaanada waayeelka, xanaanaynta dadka naafada ah, beeraha iyo cuntada. Waqti ayaa loogu darayaa haddii fiisadu dhacayso 6 bilood ee sosocda.

Barnaamujka shaqaalaha waqtiyada beeruhu soo go'aan iyo kan lagu keeno shaqaalaha ka yimaada dalalka Pacifiga: Waxaa fiisooyinka loogu darayaa ilaa hal sano.

Dadka haysta fiisooyinka xirfada ee ku meel gaarka ah: Dadka haysta fiiso ku meel gaar ah oo uu soo isbosaray shaqo bixye sida nooca fiisooyinka 457 iyo 482 oo shaqadoodii waayay waxay haystaan 60 maalmood oo ay ku helaan isbonsor cusub ama ay Australia uga baxaan.

Haddii shaqadii laga fariisiyay laakiin aan laga fanishin ama saacadaha ay shaqayn jireen la yareeyay, loolama dhaqmayo inay jabiyeen sharuudihii fiisada. Waxay kala bixi karaan ilaa $10 kun oo doolar lacagta superanuation-ka inta lagu jiro sanad miisaaniyeedkan.

Ardayda ajaaniibta ah:

  • Way joogi karaan haddii ay shaqo haystaan. Haddii aysan shaqo haysan sidoo kalana aysan haysan qoys caawiya ama lacag ay kaysadeen, waa inay ka fakaraan qaab kale oo ay u noolaadaan.
  • Ardayda ajaaniibta ah ee ka shaqeeya xanaanaynta dadka waayeelka ah ama ku shaqeeya kalkaaliye caafimaad waxaa loo ogolaanayaa inay shaqeeyaan in ka badan 20 saacadood.
  • Waxay lacag kala bixi karaan superanuation-kooda  haddii ay dalka ku noolaayeen ugu yaraan 12 bilood.
  • Gobolka Victoria ardayda ajaaniibta ah waxaa la siinayaa lacag gaaraysa $1100 oo qayb ka ah sanduuq taageero degdeg ah oo lagu caawinayo tobanaan kun oo qof oo gobolka oo dhan ah.

Dalxiisayaasha: Waa inay dalkoodii hooyo ku noqdaan gaar ahaan haddii aysan haysan qoys taageeraya.

Taageeridda xanuunada dhimirka

Dadka deggan deegaanada ay saamaysay COVId-19 waxay dawladu siinaysaa 10 jeer oo ay arki karaan dhaqaatiirta xanuunada maskaxda daaweeya iyadoo qarashka ay bixinayso Medicare.

Dadka u baahan qorshaha daaweynta xanuunada dhimirka (https://www.healthdirect.gov.au/mental-health-care-plan) waxay xanaano ka heli karaan dhaqaatiirta kala duwan sida psychologist, psychrist ama dhaqtarka xaafada.

 www.headtohealth.gov.au), waa hal goob oo aad ka heli karto macluumaad iyo talooyin ku aaddan sidaad maskaxdaad u dejin lahayd inta lagu jiro faafka xanuunka coronavirus iyo karantiilka lagu jiro iyo sidaad u caawin lahayd caruurta iyo dadka kale ee aad jeceshay iyo sidaad u heli lahayd adeegyo dheeraad ah oo ku aaddan xanuunada dhimirka.

Wararka oo 63 luqadood ah waxaad ka heli kartaa www.sbs.com.au/coronavirus