Coming Up Wed 10:00 PM  AEST
Coming Up Live in 
Live
Somali radio

Daraasad lagu sheegay in cunsuriyada goobaha shaqadu wali jirto

Councillor Luise Elsing and Mayor Susan Wynne with #RacismNotWelcome signs. Source: Woollahra Council website

Daraasad cusub oo lagu sameeyay cunsuriyada goobaha shaqada ayaa muujinaysa in inta badan dadka su'aalaha ka jawaabay ay qireen inay tahay arin u baahan inay wax ka qabtaan shaqo bixiyayaashu.

 Warbixintan Golaha Kala duwanaanshaha Australia ayaa lagu ogaaday in 27% oo kaliyaha dadka su'aalaha ka jawaabay ay aaminsan yihiin in shirkadaha ama hay'aduhu ay ka shaqaynayaan sidii looga hortagi lahaa cunsuriyada.
 
Daraasadan ayaa ku talisay in arimaha sinaanta iyo kala duwanaanshaha loo baahan yahay inay hogaamiyaan dad iyagu la kulmay ama dareemay cunsuriyada.
 
Daraasadan ayaa waxaa ka qayb qaatay dad ka badan 1500 oo shaqaalaha Australia oo kala socda dhamaan qaybaha kala duwan ee dalka.