Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

19 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Manchester, UK.

Manchester Plast
UK Terror attack. Source: Dave Thomson

Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhimatay 50 kalana way ku dhaawacantay weerar la aaminsan yahay inuu ahaa mid aragagixiso oo ka dhacy garoon lagu qabto munaasabadaha heesaha oo ku taalla magaalada Manchester ee dalka UK.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga gala garoonka.

Boosteejada tareenada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.

Waxa sababay qaraxa lama garanayo Booliska ayaa sheegay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now