Dalal dhowr ah ayaa markiiba u gudbay wareega danbe ee 2018 FIFA World Cup.
Kooxihii u horeeyay ee koobka ka baxa ayaa la ogaaday.
Maalintii 7 aad ee cayaaraha aduunka ayaa ka bilaabatay Moscow iyadoo Portugal la cayaartay Morocco.
Morocco ayaa qalbijab kala kulantay cayaartoodii u horeysay markii gool ay iska dhaliyeen iyagu ay Iran 1 iyo eber kaga adkaatay.
Kooxdan oo loo yaqaan libaaxyada Atlas ayaa filayay inay cayaartan ay wajahayeen horyaalka Yurub Portugal ay guuldaro hore ugasoo kabtaan laakiin ugu bilaabatay gool laga dhaliyay daqiiqadii 4 aad.. Goolkaas oo uu dhaliyay cayaartoyga caanka Cristiano Ronaldo oo cayaartii tan ka horaysay 3 gool ku dhuftay Spain.
Dhanka kalana Uruguay ayaa fooda dartay Saudi Arabia.
Uruguay ayaa doonaysay inay sii wado guushii iyadoo cayaartii hore 1 iyo 0 ku dhufatay Masar halka Sacuudigu doonayay inay kasoo kabtaan guuldaradii hore iyadoo Ruushku 5 iyo 0 uu kaga adkaaday.
Saudi Arabia ayaa si fiican ku bilowday laakiin waxaa gool laga dhaliyay daqiiadii 22 aad.
Sacuudiga iyo Masar ayaan ka gudbi karin Group A.
Iran ayaa iyana difaac wayn ka muujisay cayaarta ay la galeen Spain iyadoo 80% banooniga ay Spain haysay 45 daqiiqo ee hore ee cayaarta balse culayska Spain ayaa dhaliyay inay daqiiqadii 10 aad ee qaybta danbe ee cayaarya ay gool dhliyaan.
Iran ayaa gool looga diiday Offside waxayna ku dhamaatay 1 iyo 0.
Spain ayaan laga guulaysan 22 cayaarood ee u danbeeyay taasoo ka dhigaysa tii ugu dheerayd cayaaraha aduunka inaan dal laga adkaan 22 jeer oo isku xigta.
Spain iyo Portugal ayaa 4 dhibcood ku hogaaminya Group B halka Iran ay 3 dhibcood leedahay ka hor cayaartooda sadexaad.
Cayaaraha soosocdana Group C iyo D ayaa cayaaridoona iyadoo kooxda Australia ay ku aaddan tahay Denmark.
SBS ayaa kasoo daynaysa cayartaas dhamaan qaybeheeda warbaahinta Radio, Tv iyo online waxayna bilaamaysaa 9:30 fiidkii waqtiga gobolada barri ee Australia.
Dhanka kale France ayaa wajahaysa Peru halka Argentina ay Croatia fooda darayso.