22 year old women arrested in Adelaide accused of terrorim offences

Gabar Somali-Asutralian ah oo lagu xiray Adelaide iyadoo lagusoo eedeeyay inay xubin ka tahay urur argagixiso

Police Officers wearing hand guns and tasers

22 year old women arrested in Adelaide. (AAP) Source: AAP

gabar 22 jir ah oo degan gobolka South Australia ayaa lagusoo oogaya dacwooyin argagixiso la xariira kadib markii la sheegay  inay xubin ka noqotay kooxda Islamic State ee sidoo kale loo yaqaan Daacish.

Ciidanka la dagaalanka argagaixisada SA ayaa gabdhan xiray maalintii Talaadada balse boolisku waxay sheegeen in xariga gabdhan uusan wax xariir ah la lahayn weerarkii Manchester.

Linda Williams oo ah ku xigeenka Taliya booliska SA ayaa sheegtay in gabadhan la xiray ay tahay muwaadin Australia oo asalkeedu kasoo jeedo Soomaaliya, waxayna intaa ku dartay in lagasoo xiray xaafad ku taal galbeedka Adelaide.

Gabadhan ayaa haddi lagu helo danbiga lagusoo oogayo oo ah inay xubin ka noqotay urur argagixiso waxay wajahaysaa 10 sano oo xarig ah.

Ms Willaims ayaa sheegtay " Shaqsigan waxaa lagusoo oogayaa inay xubin ka noqotay urur argagixiso ee laguma haysto inay qorshaynaysay wax weerar ah". Mana jiraan wax qatar la ogyahay oo kuwajahan bulshada SA ayay tiri Willaiams.

Kaaliyaha taliyaha booliska Federalka Australia AFP  Ian McCartney ayaa warbaahinta u sheegtay in boolisku soo bandhigidoono in falalka gabdhan intooda badan ayaa ahaayeen kuwo Online ah ama internetka.

Booliska ayaa intaa ku daray in gabdhan ay isha ku hayeen kadib markii ay isku dayday inay dalka ka dhoofto July sanadkii lasoo dhaafay laakiin boolisku ma faahfaahin halka ay doonaysay inay safarto sanadkii lasoo dhaafay.

Gabdhan ayaa maxkamad lasoo taagay maanta oo arbaco ah.


Share
2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand