Madixii Shabakada Warbaahinta ee ABC Justin Milne ayaa iska casilay jagadaas, kadib culaysyo isdabajoog ahaa oo ku riixayay iscasilaadaas.
Is casilaada ka hor ayaa Justin golaha agaasimayaasha waxa ay ku war galiyeen in ay kulan yeelanayaan uusan isagu ka qayb galaynin, araintan oo Justin uu u arkay in ay tahay mid xiisad leh, isagoo kaga jawaabay in isaga shaqsi ahaan in uu isu casilo.
Justin Milne, ayaa laga raacay kadib markii uu Agaasimihii Guud ee A B C Michelle Guthrie, jagadii ka qaaday maalintii Isniinta ahayd (24/09/18), isagoo waraysi uu siiyay kanaalka 24 ee ka tirsan shabakada A B C , ka gaabsaday tafaasiisha sababihii Michelle Jagada looga qaaday.
Agaasimihii hore ee A B C, Michelle, ayaan iyadu ku qancin talaabada looga qaaday xilka, markaasna sheegtay in ay ka fikirayso in ay tiigsato sharciga.
Sidoo kale waxaa soo baxay xoga sheegaya in Justin uu E.mail kaga codsaday Michelle bishii May, in gabadha wariyaha ee la dhoho Emma Alberici, in ay shaqada ka caydhiso, sababa la xidhiidha in qoraaladeeda dawladu ayna jeclaysanin.
Shaqaalaha Shabakada ayaa iyaguna shirar ay ku kala qabteen xarumada kala duwan ee dalka ayaa mar hore kaga codsaday in Justin uu is casilo.