Live

Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE starting June 12 2026

A-B-C chairman Justin Milne has resigned

A-B-C chairman Justin Milne has resigned after reports he demanded journalists be sacked because the federal government didn't like their reporting.

ABC board chairman Justin Milne.
ABC board chairman Justin Milne. Source: AAP

Madixii Shabakada Warbaahinta ee ABC Justin Milne ayaa  iska casilay jagadaas,  kadib culaysyo isdabajoog ahaa oo ku riixayay iscasilaadaas.

Is casilaada ka hor ayaa Justin golaha agaasimayaasha waxa ay ku war galiyeen in ay kulan yeelanayaan uusan isagu ka qayb galaynin, araintan oo Justin uu u arkay in ay tahay mid xiisad leh,  isagoo  kaga jawaabay in isaga shaqsi ahaan in uu isu casilo.

Justin Milne, ayaa laga raacay kadib markii uu Agaasimihii Guud ee A B C  Michelle Guthrie, jagadii ka qaaday maalintii Isniinta ahayd (24/09/18), isagoo waraysi uu siiyay kanaalka 24 ee ka tirsan  shabakada  A B C ,  ka gaabsaday tafaasiisha sababihii  Michelle  Jagada looga qaaday.

Agaasimihii hore ee A B C,  Michelle, ayaan iyadu ku qancin talaabada looga qaaday xilka, markaasna sheegtay in ay ka fikirayso in ay tiigsato sharciga.

Sidoo kale waxaa soo baxay xoga sheegaya in Justin uu E.mail kaga codsaday Michelle bishii May, in gabadha wariyaha ee la dhoho Emma Alberici, in ay shaqada ka caydhiso, sababa la xidhiidha in qoraaladeeda dawladu ayna jeclaysanin.

Shaqaalaha Shabakada ayaa iyaguna shirar ay ku kala qabteen xarumada kala duwan ee dalka  ayaa mar hore kaga codsaday in Justin uu is casilo.


2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now