Mooshin muran dhaliyay oo ay aqalka Senatka hor keentay Senatorad Pauline Hanson ayaa si dirqi ah looga guulaystay.
Mooshinkan oo loo bixiyay "it's okay to be white" oo macneheedu yahay waxba kama qaldana inaad cadaan tahay ayaa waxaa lagu canbaareeyay wax lagu sheegay cunsuriyada sii kordhaysa ee loogasoo horjeedo cadaanka iyo weeraro lagu hayo ilbaxnimada reer galbeedka.
Senatoro ka tirsan isbahaysiga talada haya ayaa taageeray mooshinka. Waxaa sidoo kale taageeray senataro madaxbanaan oo ay ku jiraan Peter Georgiou, Cory Bernardi, David Leyonhjelm iyo Fraser Anning oo laftiisu bishii Agoosto ku baaqay in soogalootiga Muslimiinta ah laga mamnuuco Australia, kuna baaqay "xal kama danbays ah" oo loo helo siyaasada soogalootiga dalka. Kalamada xal kamadanbays ah ayaa ah mid ay isticmaali jireen nidaamkii Nazi Germany xiligii Yuhuuda badan lagu laayay dagaalkii labaad.
Mooshinka Senatorad Hanson ayaa ugu danbaytii lagaga adkaaday 31 cod iyadoo heshay 28 cod.
Hogaamiyaha Greenka Richard Di Natale ayaa aqalka sare u sheegay inuusan jirin cunsuriyada cadaanka lagu hayo.
[["Inaad cadaan tahay waa Ok, runtiina waxayba la mid tahay inaad qamaar ku guulaysatay, waana numberadii guusha, fiiri aqalkan aan joogno, imise qof ayaan cadaan ahayn, fiiri boosaska waaweyn ee ay dalka ka hayaan, xaqiiqdu waxay tahay in kalmada "it is Ok to be white" ay ahayd halhays ay isticmaali jireen cadaanka isu haysta inay dadka ka sareeyaan oo ah halka ay labadan qof ee riwaada wada "Hanson iyo Aning" ay kasoo qaataan fikradahooda)).ayuu yir Mr Di Natale
Dhanka kalana wasiirka maaliyada Mathias Cormann ayaa raaligalin ka bixiyay in dawladu taageertay mooshinkaas muranka keenay.
RW Scott Morrison ayaa sheegay in codayntaas ay ahayd wax ay Senatoradiisu ka shalaayeen.
Senator Cormann ayaa sheegay inay qalad ahayd.
[["Shalay qalad xaga nidaamka maamulka ayaa keenay in Senatorada dawladu u codeeyaan oo taageraan mooshinka. Anoo ah madaxa dawlada ee aqalka Senatka masuuliyada qaladkaas dusha ayaa ku ridanayaa waana ka xumahay wixii dhacay. Sidaan hore u sheegayna markii hore ee mooshinkan la keenay waan cadaynay inaan kasoo horjeedno.))ayuu yiri Mr Cormann