Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

A new poll shows a narrow majority of Australians want republic.

More than half of Aussies think we should become a republic and have an Australian head of state.
More than half of Aussies think we should become a republic and have an Australian head of state. Source: AAP

Cod aruurin cusub oo la qaaday ayaa muujinaysa in aqlabiyad shacabka Australia ay doonayaan inay noqdaan jamhuuriyada iyadoo taageerada ugu badan ay ka imanayso dhalinyarada iyo dadka da'da dhexe ee Australia.

Cod aruurinta ayaa sidoo kale muujinaysa in dad badan oo kala da'ah ay aaminsan yihiin in dalku noqdo jamhuuriyad  qofka ugu sareeyaa uu yahay muwaadin Australia halka hadda ay boqoradu yahay qofka ugu sareeya dalka (Head of State).

Cod aruurintan madaxa banaan oo laga qaaday shacab gaaraya 1000 qof ayaa waxaa howlgaliyay ururka dhaqdhaqaaqa jamhuuriyiinta Australia oo ah koox doonaysa in Australia ay ka hoos baxdo boqorada England, waxaana cod aruurinta lagu ogaaday in 52.4% shacabka Australia ay doonayaan in dalku noqdo jamhuuriyad.

Dadka taagersan ayaa ugu badnaa da'da u dhaxaysa 25-34 jir oo ah 58.6% taageersan yihiin.

Laakiin dadka da'doodu u dhaxayso 45 ilaa 54 ayaan iyaguna sidaas uga fogayn aragtida dhalinyarada iyagoo laftoodu taageersan 57.9% in Australia ay ka hoos baxdo boqortooyada.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now