Warbaahinta SBS World News ayaa warbixin ay kasoo sameysay Abaaraha iyo Caafimaadarada kajirta Deegaamada Somaliland ayaa waxa warbixintan sheegeysaa Nafaqa darada haysa caruurta aan sanadka gaadhin ee ku jira xaruntan caafimaad ee ku taala magaalada hargesah, hadaba gabadh yar oo 10bilood jirta laguna magacaabo Zaynab ayaa laildaran muddo 4bilood ah shuban biyood taas oo lagu dabiibayo xarun caafimaad oo kutaala Hargesah gabdhan ayaa waxa ay quudataa oo keliya caano tan iyo markii ay dhalatay miisaankeeda ayaa ah ilaa 5kilo oo keliya, hooyadeed oo uwarantay SBS waxay sheegtay in kasokow shubanka iyo mataga uu canugeeda u dheeryahay Dhiig yari waxayna sheegtay inuu canugeeda u dhimankara ama uu kabadbaadikara.
xaruntan lagu daaweyo dadka nafaqadarda haysa ayaa hooyooyinka soo gaara halkan waxay ku qaadataa masaafo dheer iyagoo qaarkood kasoo kaca meelo tuulooyin ah , goobtan caafimaad ayaa ah meel aan lahayn sariiro kufilan oo lagu dhabiibo bukaanada kujira iyagoo qaarkood dhulka jooradiyaal loo dhigay , todobaadwalbana waxaa geeriyooda caruur badan oo aan helin daaweyn kufilan , isbitalkan ayaan dib u habeyn dhanka agabka bukaanada aan lahormarinin tan iyo markii la dhisay 1953 sidaas daraadeed waxaa maalintii ladaweynkaraa oo keliya ilaa 10 bukaan