Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Abbott and Joyce, calling Mr Turnbull to consider quitting , if no rating improvement till Christmas.

Abbott and Joyce, calling Mr Turnbull to consider quitting , if no rating improvement till Christmas.

File picture of Barnaby Joyce and Tony Abbott in parliament.
Source: AAP

Ra'iisul wasaarihii hore ee Australia Tony Abbott, ayaa la saftay dhanka taageerida aragtidii uu jeediyay Ra'iisulwasaare ku xigeenkii hore Barnaby Joyce, ee ku aadanayd dhanka hogaanka Turnbull.

Aragtida uu taageeray Abbott, ee uu soo jeedinteeda lahaa Joyce, ayaa waxa ay tahay, hadii xukuumadu ay sii dhumiso soo kabashada dhanka cod u qaadida shacabka ilaa iyo Kirismaaska- oo hada 30 isku xigta ay kaga hoosaysay Mucaaradka - in markaas uu Mr Turnbull uu is casilo.

Joyce ayaa sheegay in ay tahay in uu kor usoo qaado maqaamka xukuumada ee dhanka codka bilahan soo socda.

Dhankiisa Tony Abbott, ayaa sheegay, in ay lagama maarmaan tahay, in isbahaysigu uu kaalin awood leh uu qaato dhanka cod-aruurinta, kahor inta aan doorashooyinka la soo socda la gaadhin.

xiisadan Siyaasadeed ayaa timid kadib markii ay xukuumadu mucaaradka ka hoos martay 30 cod-aruurin oo isku xigtay oo la qaaday, taasoo keentay in hadal la galiyo hogaanka Mr Turnbull.


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now