Ra’iisulwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa shalay Isniintii 02/04/18 la dhaariyay, kadib markii Golaha Isbahaysiga ee wadanka Xukuma (EPRDF) uu 27/03/18, Abiy Ahmed u doortay in uu hogaamiye cusub u noqdo golaha.
Doorashada Abiy Ahmed, ayaa taariikh ahaan ka dhigaysa ra’iisulwasaarihii oogu horeeayay ee kasoo jeeda qoowmiyada Oromada, oo ah qowmiyada oogu tirade badan wadanka Ethiopia.
Imaanshaha Abiy, ayaa kusoo aaday waqti Ethiopia ay marayso marxalad adag oo muda gaadhaysa lab sano socotay, tan oo ugu danbayntii ku qasabtay ra’iisulwasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn in uu xilka iska casilo 15/02/2018.
Golaha wadanka Ethiopia ka taliya ee EPRDF, ayaa kaliya waxaa xubna ka ah afar qowmiyadood sida 1- Oromo, 2-Amxaaro, 3-Tigray 4- Shucuubta Koonfureed. Taas oo ka dhigan qowmiyadaha Ethiopia ee kale in ayna ku jirin kuwa madaxtinimada wadanka loo dooran karo, sidoo kalena aan ka qayb qaadanaynin doorashada madaxda.
Abiy Ahmed, ayaa shaqsi ahaan ah qof tacliin sare leh, isagoo khibrad ciidana leh, sidoo kalena kusoo dhex jira siyaasada, isagoo soo noqdaay wasiirka cilmiga iyo tiknoolajiga, isagoo haatana ahaa ninka labaad ee Gobolka Oromada, iyadooy taas u weheliso in uu sirdoonka wadankana kasoo shaqeeyay, sida wararku qorayaana Abiy waxaa iska dhaleen laba waalid oo aabuhu muslim yahay hooyaduna masiixi tahay.
Dhinacyada siyaasada odorasa ayaa u dhigay imaatinka Abiy, in ay ka dhigantahay isbadal weyn oo Ethiopia ay ku talaabsatay, balse isla markaas ka dhigan mid u baahan in si geesinima leh loo dhamasytiro talaabooyinka xiga eel lagama maarmaanka ah, ee ay ka midka yihiin: in la qaado xaaladaha degdega ah ee wadanka lagu soo rogay badhtamihii bishii labaad kadib is casilaadii Desalegn, iyo in la dhimo awooda xad dhaafka ah ee jeneraalada, taas oon waxba ooga tagaynin Abiy, haday sii jirto, iyo si dhaba in loo eego cabashooyinka dadka ee qaraxa gaadhay, wax qabadkoodana la guda galo.
Abiy, oo ka tirsanaa madaxda Gobolka Oromada, una soo joogay colaadihii dhex maray labada gobal ee Soomaalida iyo Oromada, ayaa tanina ay tahay mid si gaara u khusaysa isaga, iyadoo gobalka Soomaalidu uu dhagta u hayni doono sida iyo qaabka uu u qaabili doono uhelida xal waara oo labada shacab ee walaalaha ay ku wada noolaadaan, iyadoo gobalka Oramadu uu inta badan daris la yahay qowmiyadaha kale ee Ethiopia, marka laga reebo Tigray-ga, tan oo noqonaysa waxyaabaha oogu horeeya ee laga filayo in uu xal u helo, iyadoo xaaladaha colaadeed ee labada gobol ee Oromada iyo Soomaalida u dhexaysa aynan ahayn kuwa qodo dheer, ayna sahlanaan karto - hadii doonid la helo – in si kama danbaysa loo xaliyo.