Shir madaxeedkii hogaamiyaalka Qaarada Afrika, ayaa maanta oo Isniina (29/01/2018) kusoo gabagaboobi doono caasimada Ethiopia Addis Ababa, isagoo biloowday maalintii shalay ahayd..
Shir madaxeedkan Afrika ayaa waxaa ka horeeyay shirkii wasiirada arimaha dibada ee Afrika oo soo afjarmay maalintii Jamcada ahayd (26/01/2018), halkaas oo wasiiradu ay soo gudbiyeen asaaska qodabada ajandayaasha lagu gorfayni doono shir madaxeedka Afrika ee labada maalmood qaadanaya.
Shir madexeedkan oo cinwaan looga dhigay “ La dagaalanka musuqmaasuqa”, ayaa waxa madaxdu ay ku wada gorfayni doonaa arimaha ay ka midka yihiin, Xagjirnimada iyo argagixisada Afrika ka jirta, iyo sidii loola dagaali lahaa, Loolamada hubaysan iyo deganaansha la’aanta ka jirta wadamada ay ka midka yihiin Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Liibiya, iyo sidoo kale xoojinta dhamaystirka dhaqaale iyo ganacsiga u dhexeeya wadamada Afrika iyo la dagaalanka saboolnimada.
Shucuubta Afrika ayaa waxa ay rajooyin badan ku xidhayaan natiijooyinka kasoo bixi kara shirka hogaamiyaalka ay shucuubtoodii qaybi ay badaha ku dhamaanayaan, kuwa kalena abaaro ay la la’ayaan iyo sidoo kale loolamada hubaysan ee hankaajisay horumarka wadamada ay ka midka yihiin Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.