Al-Shabaab attacks border town

Somali government soldiers in Afgoye

At least 15 people have died in clashes in the town of Afgoye in southern Somalia. (AAP) Source: AAP

Dagaal culus ayaa ka bilowday maanta oo isniin ah magaalada  Balad Xaawo oo ku taal xadka u dhexeeya Kenya iyo Somaliya kadib markii Al-Shabaab ay gaari ismiidaamin ah qarxiyeen ayna weerar ku qaadeen sladhig milatari oo halkaas  ahaa sida afhayeen u hadlay kooxdan uu u sheegay Reuters.

Kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay dishay 24 askari laakiin saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in 10 askari kaga dhimatay weerarka.


Mohamed Abdullahi oo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay inay ku waabersadeen gaari qarxay isagoo intaa ku daray inay magaalada ka saareen kooxda Al-shabaab ayna ka dileen 7 ka mid ah.

Tirada dhimasho ee labada dhinac ayay u badan tahay inay sii kororto.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku wali siisocdo.

Suleiman Nur oo dukaan ku leh ayaa Reuters u sheegay inuu markii hore maqlay qarax wayn ka dibna xabado lays dhaafsanayay.


“Al Shabaab waxay qabsatay saldhigii milatariga, xaruntii booliska iyo magaalada inteeda badan" ayuu ku daray.

 


Share
1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand