SKIP TO MAIN CONTENT

An Iranian oil tanker has sunk after burning for more than a week

An Iranian oil tanker has sunk after burning for more than a week

shows Panama-registered tanker 'Sanchi' on fire after a collision with Hong Kong-registered freighter 'CF Crystal,' off China's eastern coast, 07 January 2018
Source: SOUTH KOREA COAST GUARD

1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Skip to article content

Afhayeenka Gudiga Badbaadada ee arimaha markabkii Iran laga lahaa “Sanji”   ee xeebaha Shiinaha ku gubanayay, ayaa sheegay in ayna jirin wax raja ah oo ku saabsan in nolal lagu helo dadkii markabka saaraa.

Markabkan  ayaa isagu ku gubanayay, mudo todobaad ka badan, meel biyaha bada kaga aadan xeebaha Shiinaha, Kadib markii ay isku dheceen markab badeeca siday, oo  laga leeyahay dalka  Shiinaha.

Waxaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo haatan la helay kaliya maydadka sadex ka mida dadkii markabka saaraa, iyadoo lagu la’ayahay 29 kii kale.

Warar laga soo xigtay wakaalada wararka ee Shiinaha ayaa sheegay, in markabka Shidaalka ee Iran uu gabi ahaanba dagay maalintii Axada aheyd 14/01/2018, kadib markii uu mudo todobaad ka badan gubanayay.

Markabkan oo ay Lahayd Sharikada Maraakiibta Qaranka ee Iraan, ayaa isagu shidaal u siday dalka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo dusheeda ay saaraayeen 32 qof, dhamaantoodna ay Shaqaale ka ahaayeen markabaka, iyadoo 30 ay u dhasheen dalka Iran , halka 2 qofna ay u dhasheen wadanka Bangaladheesh.


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now