An Iranian oil tanker has sunk after burning for more than a week

An Iranian oil tanker has sunk after burning for more than a week

shows Panama-registered tanker 'Sanchi' on fire after a collision with Hong Kong-registered freighter 'CF Crystal,' off China's eastern coast, 07 January 2018

Source: SOUTH KOREA COAST GUARD

Afhayeenka Gudiga Badbaadada ee arimaha markabkii Iran laga lahaa “Sanji”   ee xeebaha Shiinaha ku gubanayay, ayaa sheegay in ayna jirin wax raja ah oo ku saabsan in nolal lagu helo dadkii markabka saaraa.

Markabkan  ayaa isagu ku gubanayay, mudo todobaad ka badan, meel biyaha bada kaga aadan xeebaha Shiinaha, Kadib markii ay isku dheceen markab badeeca siday, oo  laga leeyahay dalka  Shiinaha.

Waxaa lagu soo waramayaa in ilaa iyo haatan la helay kaliya maydadka sadex ka mida dadkii markabka saaraa, iyadoo lagu la’ayahay 29 kii kale.

Warar laga soo xigtay wakaalada wararka ee Shiinaha ayaa sheegay, in markabka Shidaalka ee Iran uu gabi ahaanba dagay maalintii Axada aheyd 14/01/2018, kadib markii uu mudo todobaad ka badan gubanayay.

Markabkan oo ay Lahayd Sharikada Maraakiibta Qaranka ee Iraan, ayaa isagu shidaal u siday dalka Kuuriyada Koonfureed, iyadoo dusheeda ay saaraayeen 32 qof, dhamaantoodna ay Shaqaale ka ahaayeen markabaka, iyadoo 30 ay u dhasheen dalka Iran , halka 2 qofna ay u dhasheen wadanka Bangaladheesh.


Share
1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
An Iranian oil tanker has sunk after burning for more than a week | SBS Somali