Qarax ayaa lagu soo waramayaa in shalayto Arbacadii uu ka dhacay meel aan aad ooga fogayn isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Qarxan ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka xarun ay degantahay Hay’ada ICRC, oo ka mida hay’adaha samafalka ee Somalia ka hawlgala. Hay’adan ayaa laga soo xigtay in mid ka mida shaqaalaheeda uu dhaawac kasoo gaadhay qaraxaas..
Bilayska ayaa dhankooda sheegay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen sadex qof, iyadoo mid ka mida dhaawaciisu uu daranyahay, halka labada kale ay xaaladooda roontahay.