Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australia deployed a warship to the Middle East.

Australia has deployed a navy frigate to defend oil tankers from Iranian attacks in the Strait of Hormuz.

Royal Australian Navy frigate HMAS Toowoomba is docked at Saigon port.
کشتی جنگی اچ‌ام‌ای‌اس توومبای ارتش آسترالیا Source: VNA

Dawlada Australia ayaa Bariga Dhexe u dirtay markab dagaal, kaas oo loo diyaariyay in uu difaaco markab qaada saliida oo Australia leedahay oo ku sugan gobalkaas.

Markabka HMAS Toowoomba ayaa maanta Isniinta (13/01/20), u dhaqaaqay dhanka Marinka Hurmuz, halkaas oo marin u ah maraakiibta qaada saliida, isagoo mudo lix bilooda ku sugnaan doona gobalka Bariga Dhexe.

Markabkan dagaalka ayaa gacan siini doona Markabka saliida qaada ee Australia ay leedahay oo ku sugan gobalka, iyada oo haatan ay jirto cabsi ku aadan in xaalada deganaansha la’aanta ah ee ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan in ay kasii dari karto, taas oo saameyni karta dhamaan maraakiibta aagagaas ku sugan.

Inkasta oo haatan xaalada colaadeed ee ka dhaltay dilkii Maraykanku ay ku toogteen sargaakii Iiraan Gen. Qaasim Suleymani ay dagtay, balse xiisada colaadeed ayaa ah mid wali taagan, ayna dhici karto in ay si xawliya cirka isugu shareerto, waana arinta keentay Australia in ay markabkan dagaalka in ay u dirto Marinka Hormuz, si loo amaan galiyo markabka Australia ee saliida qaada ee halkaas ku sugan.

Marinka Hurmuz ayaa Juquraafi ahaan, dhanka waqooyi waxaa ka kulaala wadanka Iiraan halka dhanka koofureed ay ka kulaalaan labada wadan Imaaraadka Carabta iyo Cuman. Sedax meelood meel ahaan dunida gaaska dabiiciga ah iyo ku dhawaad 25% wadarta guud ee isticmaalka saliida adduunka ayaa mara Marinka Hurmuz, taas oo ka dhigeysa goob istiraatiiji ah oo aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamiga ah.


2 min read

Published




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now