Dawlada Australia ayaa ku go'aansatay in ay wadankeeda ka caydhiso labo diplomaasi oo u dhashay wadanka Ruushka. kana hawlgala safaarada Ruushka ee ku taala Australia.
Labadan diplomasi ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen qaybta sir-doonka ee safaarada Ruushka ee ku taala Australia. iyadoo labadan masuul loo qabtay mudo todobo bari ah in ay kaga baxaan wadanka Australia.
Talaabadan ay kaga caydhinayso Australia wadankeeda labada diplomaasi, waxa ay ku biiraysaa wadama labaatan ku dhawaada oo ku dhawaaqay in ay wadankooda ka caydhinayaan diplomaasiyiin Ruusha, tan oo la xidhiidha sumayntii basaaskii Ruushka u dhashay Sergei Skripal iyo gabadhiisa ee Britain ka dhacday..
Wadamadaas ayaa waxaa ka mida Maraykanka , Kanada iyo 14 wadan oo bahada reer Europe ka tirsan.
Maraykanka ayaa dhnkooda caydhinaya 60 diplomaasi oo ka tirsan Safaarada Ruushka iyo xubna ka tirsan Ergada Ruushka u fadhida Qaramada Midoobay.
Dhanka Ruushka, Wasaarada Arimaha Dibada ayaa talaabooyinkaas ay dalalkaas kala duwan ay qaadeen ku tilmaatay in ay tahay talaaba daandaansi ah, iyadoo wasaaradu ay sheegtay in arintaas ay jawaab ku haboon ka bixin doonaa..
Madaxtooyada Ruushka ayaa waxa ay shgeegtay in cida arintan jawaabta ka bixin doonta uu yahay Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ee mar dhawayd dib loo soo doortay.
Dhankeeda, dawlada Britain, ayaa soo dhawaysay talaabooyinka dawladuhu ka qaateen wadanka Ruushka, kadib dhacdadii sumaynta basaaskii Ruushka u dhashay ee ka dhacday gudaha Britain.