Australia Home affairs minister admits a failure in Australia's surveillance systems

Australia Home affairs minister admits a failure in Australia's surveillance systems

Scott Morrison's new ministry

Source: AAP

 Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Autralia Peter Dutton ayaa qiray inay jiraan fashilaad  ku  timid nidaamka ilaalinta Australia, taas oo keentay in maalintii Axada ahayd,  doon siday tahriibayaal in ay  gaarto xeebta waqooyiga Queensland.

Sida wararku sheegayaan, 15 qof oo ajaaniba ayaa la qabtay iyadoo saraakiisha ilaalada xuduudkuna ay ku daba jraan kuwa kale oo doon kaluumaysi oo ay wateen ay ka qalibantay, kana baxsaday goobihii.

Mr Dutton, oo isagu si xoogle oogu faani jiray awooda xukuumada ee dhanka istaajinta doomaha tahriibka,  ayaa waxa uu sheegay in uu jiro  wax ka  khaldamay  dhanka ilaalada, isagoo sheegay in arintaas ay si adag dabgal oogu samayni doonaan.

Dutton, ayaa sheegay  dhinacyada wax tahriibiya in ayna wali hawshoodii ka hadhin,  isagoo intaas ku daray  in ay joogaan haatan wadanka Indonesia dad gaadhaya 14,000,   oo doonaya in ay dooma tahriiba Australia kusoo galaan.

Xukuumada uu hogaaminayay ra’iisulwasaarihii hore ee jagada la qaaday  Malcolm Turnbull, ayaa iyadu ku guulasatay in ay  si adag u joojisay dadkii doomaha tahriibka ah wadanka ku imaanayay.  

Dadka qaabkan tahriika ah kusoo gala wadanka Australia, ayaa waxaa la geeyaa Nauru and Manus Island, iyadoo dhinacyada xuquuqul-aadamaha u dooda ay cabashooyin badan ka keeneen xaalada dadka dawlada Australia ay Jasiiradhaas ay gaysay.


Share
2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
Australia Home affairs minister admits a failure in Australia's surveillance systems | SBS Somali