Raiisul Wasaare Scott Morrison ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo in safaarada Australia ee Isreal oo hadda ku taal Tel Aviv in Jerusalem loo wareejiyo.
Safaarada Australia ayaa waligeed ku taalay Tel Aviv maadaama uu jiray muran mudo dheer u dhexeeya Isreal iyo Falatiniyiinta oo ku aaddan Jerusalem.
Haddi Australia ay kaga dhabayso arintan waxay raacaysaa maraykanka wuxuuna macneheedu noqonayaa in Australia ay Jerusalam u aqoonsatay inay caasimada Isreal.
Mr Morrison ayaase ku adkaysanay inay wali dawladiisa ka go'an tahay xal ku salaysan labo dal oo Isreal iyo Falastiin ay yeeshaan.
Laakiin RW ayaa sheegay in rarida safaaradu inayba tahay dariiq kale oo xalinta khilaafka lagu gaarayo.
[["Waxaa aan samaynayo waa inaan dhagaysanayno talooyinka naloosoo jeediyay oo suurogalinkara in hore loo socdo. Ma diidayo arin wax lagu hagaajin karo waana taas arinta maanta aan ku dhawaaqnay, inaan kasii wadahadalno diyaar ayaan u ahay, waana soo dhawaynayaa inaan kala hadlo dadka, saaxiibada iyo madaxda aduunka.)) Ayuu yiri Mr Morrison.