Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Australian man granted Asylum in Canada

Image of Stevan Utah, who won the landmark case in Canada
Source: ABC Australia

Nin Australian ah ayaa lagusoo waramay in magangalyo laga siiyay dalka Canada kadib markuu sheegay inuu naftiisa u baqayo kadib markuu sirdoon ahaan u dhexgalay kooxda Mootoolayda ee Bandidos (Bandidos Bikei Gang).

ABC ayaa kusoo warantay in Gudiga qaxootiga iyo soogalootiga Canada uu siiyay Steven Utah magangalyo kadib markii ay dhagaysteen cadaymo la xariira in ninkan uu si qarsoodi ugu soo warami jiray gudiga danbi baarista Australia mar ay howlgalo ku wadeen kooxdaan mootoolayda ah 2006.

Go'aankan ay Canada gaartay ayaa ah mid aan noociisa oo kale hore loo arag maadaama Utah uu yahay nin Australian ah oo la leeyahay wadankiisu wuxuu siin waayay difaacida amaankiisa.

Mr Utah oo hore u ahaa askari ayaa Australia ka baxsaday kadib markii ay Bandidos ay ogaadeen inuu booliska u shaqaynayay ayna isku dayeen inay sida uu sheegay ku dilaan Queensland.

 


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now