Warbaahinta ugu waaweyn Australia ayaa ka qaybqaatay olole loo bixiyay "Xaqa dadku u leeyahay inay wax ku ogaadaan" kaasoo looga digayo dadweynaha qatarta warbaahintu wajahayso.
SBS ayaa qayb ka ah isbahaysi ay leeyihiin shirkadaha warbaahintu oo lagu iftiiminayo sida dantu ugu jirto in suxufiyiintu soo bandhigaan runta iyo muhiimada ay leedahay in dadka talada haya lala xisaabtamo.
Waxaa jiray cadaadis badan oo la saaray tabinta warbaahinta iyadoo ay socdaan baaritaan federal ah oo lagu hayo xoriyada saxaafadda iyo warbaahin ay boolisku galeen goobohoodii shaqada iyo guryohooda sanadkan.
Dr Denis Muller oo ka tirsan xarunta kobcinta saxaafada ayaa ka walaacsan in sharuucda sirdoonka iyo amaanka qaran ay yihiin kuwo caburin ah marka loo barbar dhigo dalalka kale.
"Waqtigan la joogo suxufiyiinta ayaa laga doonayaa inay cadeeyaan inaysan waxba galabsan ama danbi galin. Iyadoo caadiyan kaysaska danbiyada ay tahay in dacwad ooguhu cadeeyo in qofku danbi galay.. Waa arin muhiim ah. Tan kale waa sida loo qeexay kalmada amaanka qaran oo loo isticmaalayo in waxkasta lagu qariyo." ayuu yiri Mr Muller
Laakiin xildhibaan Barnaby Joyce oo ka tirsan Xisbiga Nationalka ayaa sheegay in sidii warbaahintu uga hadashay uurkii gabadha uu isagu la socday sanadkii lasoo dhaafay aysan ahayn wax danta guud ku jirtay, warbaahintana looga baahan yahay inay dib u eegaan shaqadooda.
"Ma oran kartaan shaqsi gaar ah, haween uur leh oo wadada maraysa oo joornaalka bogiisa hore lagusoo qoray dan guud ayaa ku jirta, sidaas ayaadna samayseen haddaa tihiin warbaahinta, markaas ayaad waliba abaalmarino isku siiseen." ayuu yiri Mr Joyce