Bilayska Australia oo darawalada ku wargalinaya in munashabada Australia Day-da dhibca jaridu in ay laba-jibaarmayso.
Bilayska Australia ayaa sheegay in ay bilaabmayso caawa (Khamis 24/01/2019) habeen kala badhka laba- jibaarka dhibco jarka darawalada khaladka galaa.
Laba-jibaarka dhibca jarka ayaa bilaabanaysa habeenka Khmiista isagoo dhamaanaya badhtamaha habeenka Isniinta 28/01/2019.
Bilayska ayaa waxa ay soo bandhigeen fasaxyadii Christmaska iyo Sanadka cusub oo maalma badan ahaa, iyadoo dhibca jarka iyo ganaaxuna uuu laba jibaar ahaa, ayaa waxa ay muujinaysaa darawala badan oo ku waayay laysankookii.
Halkaan ka eego warbixinta darawalada ciqaabaha kala duwan lagu riday.