Bill Shorten says he won't change the date of Australia Day if elected as Prime Minister.

Opposition leader Bill Shorten says he won't change the date of Australia Day if elected as Prime Minister.

Kiongozi wa upinzani wa Australia Bill Shorten, ahotubia kongamano la taifa la chama chake mjini Adelaide, Kusini Australia

Kiongozi wa upinzani wa Australia Bill Shorten, ahotubia kongamano la taifa la chama chake mjini Adelaide, Kusini Australia Source: AAP

Hogaamiyaha Mucaaradka Bill Shorten, ayaa shaaca ka qaaday in uusan badali doonin maalinta Australia Day-da ee 26 January, hadii loo doorto Ra’iisulwasaare.

Hadalkan hogaamiyaha mucaaradka ayaa kusoo beegmay iyada oo cod aruurin uu qaaday Machadka Arimaha Dadweynaha ay tusayso in sadex ka mida afartii qof ee Australian ah  in ay ku qanacsanyihiin in ay sii ahaato maalinta Australia Day-da taariikhda ay hada tahay ee 26 January.

Arintan ayaa ka dhigan in kaliya toban qof oo ka mida kun qof oo codkooda la qaaday in ay rabaan in la badalo Maalinta Australia Day-da.

Arintan ayaa waxa ay imaanaysaa iyada oo ay dawlada Australia maalin dhaweyd soo saartay amaro  ku saabsan in ay laasim ku tahay golayaasha dawaldaha hoose in ay qabtaan  xafladaha Jinsiyad bixinta maalinta Australia Day-da, iyadoo sheegtay in ay soo saari doonto dhar labisa oo dadku ay xidhan doonaan marka jinsiyada la siinayo.

Balse hotaamiyaha mucaaradka Bill Shorten, ayaa arinta labiska aan isagu wax ahmiyada siinaynin, isagoo u arka in ay tahay ujeeda siyaasadaysan, sheegayna in dadka loo dhaafo in iyagu doortaan waxa ay xidhan rabaan.


Share
1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar
Source: SBS Radio News

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand