Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Body found likely missing Brisbane woman

Missing Naima Hassan
Source: News Corp Australia

Booliska Queensland ayaa aaminsan in maydka haween oo ay ka heleen koofur bari Brisbane inuu yahay Naima Hassan oo la waayay.

Xubno ka tirsan dadweynaha ayaa ka helay maydka xeebta Birkdale shalay galab saacadu markay ahayd 5:20 Talaadadii.

Booliska ayaa goobta xiray xalay oo dhan waardiye ka hayay iyadoo baarayaashu sugayaan baaritaan lagu samaynayo maydka si loo xaqiijiyo haybta iyo waxa sababay dhimashada.

Askarta booliska ayaa baaritaano dheeraad ah ka waday goobta laga helay maydka maanta oo Arbaco ah.

Naima Hassan ayaa markii u danbaysay qoyskeeda arkeen subixii Sabtida.

Waxaa mardanbe lagu arkay xarun batoolka laga gato halka gaarigeedii laga helay Wellington Reserve Axadii.

Wararkii u danbeeyay ayaa ilo ku dhow qoyska noo sheegeen in xubno qoyska ka tirsan la waydiiyay inoo soo eegaan maydka la helay balse wali taasi aysan dhicin.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now