Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Centrelink will employ an extra staffs to help answer telephone inquiries.

Centrelink will employ an extra staffs to help answer telephone inquiries.

Centrelink Image
Source: Google

Centerlinka ayaa qorshaynaya in uu qorto shaqaala dheeraada, oo tira ahaan gaadhaya 1.000, si uu u fududeeyo dadka macaamiisha ah ee khadka taleefoonka waqtiga dheer ku jira.

  Arintan ayaa timid, kadib markii ay macaamiisha taleefoonka kula soo xidhiidha Centerlinka ay ku qaadato waqti dheer, si ay u helaan cid  ooga jawaabta su’aalahooda.

   Adeega  Khadka Tleefoonka  ee Centerlinkiga ayaa ujeedadiisu waxa ay ahayd in la yareeyo dadka macaamiisha ee xafiisyada Centerlinka kasoo buuxsamaya, iyadoo qorshahan ujeedadiisu ay ahayd hawl fududayn.

    Balse, sababa la xidhiidha badnida macaamiisha Hay’ada Centrelinka, ayaa waxaa dhacday in macaamiishii khadka taleefoonka adeegsanayay in ay maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaan, taas oo keentay in waqtiga qofka macmiilku uu ku jirayo khadka taleefoonka in uu aad u dheeraado.

     Sidaa daraadeed ayaa Hay’ada Centrelinku  ay go’aansatay in ay 1,000 Shaqaale ah qoroto, iyagoo ay ka hawlgali doonaan Australia dhexdeeda, iyadoo Wasaarada Daryeelka Dadka ay sheegtay, in adeegan lagu wareejin doono hay’ad madax banaan, taas oo ku sugan gudaha Australia.

      Centrelinka ayaa la sheegay in 1 million oo taleefoon ay kusoo dhacdo todobaad kasta.  


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now