Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

China has legalised the use of re-education camps for Muslim Uighurs

Muslim men of the Uighur ethnic group leave the Id Kah Mosque after Friday prayers in Kashgar, Xinjiang
Source: AAP

China ayaa sharciyaysay isticmaalka xeryo dhaqancelin oo ku yaal gobolka galbeed ee Xinjiang. Sharcigan ayaa la rajaynayaa in wax looga qabto waxay ay ugu yeertay xagjirnimada Muslimiinta Uighurs.

Kooxaha u dooda xaquuqul binaadanka ayaa sheegay in dadka halkaa lagu xiro lagu qasbo inay ku dhaartaan inay daacad u yihiin madaxweyne Xi Jinping oo ay dhaliilaan diintooda ama isaga baxaan diinta.

Bishii Agoosto ayay China dafirtay eedo ahaa inay xirtay ku dhawaad hal malyan oo qof.

Laakiin saraakiil Chinese ah oo ka qaybgashay kulan xaquuqul binaadanka looga hadlayay oo QM qabatay ayaa qirtay in Muslimiinta Uighur oo ay qaldeen xagjiriinta waa sida hadalka ay u dhigeene la marsiinayo dhaqancelin iyo dibudejin.

Maamulayaasha gobolka ayaa sidoo kale bilaabay olole ay ugasoo horjeedaan cuntooyinka xalaasha ah.


1 min read

Published




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now