Dabdamiska ayaa la tacaalaya dab wayn oo ka kacay warshad lagu kaydiyo qalab kaasoo hawada ku daray qiiq sun ah oo xaafadaha galbeedka Melbourne laga dareemay.
Dabdamiska ayaa isku dayay inay damiyaan qarax ka dhashay sunta loo yaqaan Acetone iyo qalabka alxanka oo lagu kaydiyo warshadan ku taal galbeedka Footscry.
Dad deegaanka ayaa lagula taliyay inaysan dibada usoo bixin oo ay guryaha gudohooda ku jiraan.
Sii hayaha ku xigeenka dabdamiska Ken Brown ayaa sheegay in aaga dabka hadda la xakameeyay laakiin cimilada oo isbadalysa ay saamayn karto.
Ken Brown ayaa yiri:
[["Waxaa doonaynaa inaan xalino 4 galabnimo ka hor inta aysan hawadu isbadalin, marka aad ayaan u shaqaynaynaa si ujeedadaas u gaarno. ma balanqaadi karno inaan gaarayno ujeedadaas laakiin waxkasta waa isku dayaynaa oo suurtogal ah"))