Muran ka dhashay ku kala aragti duwanaanshaha khuseeya maalinta “Australia Day” da, ayaa sanadihii danbe waxa uu sababay in ay isa soo taraysay dadka kasoo horjeeda u dabaaldega maalinta Australia Day-da oo taariikh ahaan ku began 26 January, iyada oo haatana fooda nogu soo haysa.
Khilaafkan ayaa – tan iyo waqtigii uu biloowdey - waxa uu sii kululaadaa marka ay soo dhawdahay taariikhda 26 January, oo ah maalinta Australia Day-da.
Khilaafkan ayaa waxa uu salka ku hayaa, maalintan 26 January, ayaa waxa ay tahay maalintii oogu horeeysay ee duulimaad loogu yimaado dadka wadanka loogu yimid, iyada oo ay maraakiibtii duulaanka ahaa ee usoo horeeyay ay soo caga dhigteen xeebaha dhulka haatan Australia loo yaqaano, dadkaas wadanka Australia asal ahaanta u lehna ay maalin colaadeed ooga dhigan tahay, aynan habooneyna in ay noqoto maalin farxadeed oo loo dabaal dego.
Doodaas ayaa kasbatay dad badan oo isugu jira shacab iyo siyaasiyiin, iyadoo ay goloyaasha dawladaha hoose ee Australia ay bilaabeen qaar ka mida in ay munaasabadaha jinsiyada lagu bixiyo, ee dadku muwaadiniinta ku noqdaan, in ay ka leexiyaan maalinta 26 January, taas oo sida caadada ah dadka oogu tirade badan la gudoonsiiyo muwaadinimadooda, iyaga oo loo dhigo xaflada waaweyn oo ka dhaca dhamaan gobolada wadanka Australia.
Isbahaysiga haatan talada haya ayaa muuqata in ay marwalba diidanyihiin wax kabadal lagu sameeyo taariikhda Australia Day-da, sidoo kalena ay ku adagyihiin in ay lagama maarmaan tahay in dadka cusub ee muwaadiniinta noqonaya xafladaha sharciga lagu gudoonsiinayo, in kuwooda oogu waaweyn ay dhacaan maalinta Australia Day-da.
Ra’iisulwasaare Scott Morrison, ayaa haatan soo saaray go’aan lagu amrayo dhamaan golayaasha dawladaha hoose in ay qabtaan - munaasabada jinsiyad bixinta dadka cusub – maalinta 26 January, isagoo arintaasna ooga gol leh in uu meesha ka saaro muranka la galiyay maalinta Australia Day-da.
Moriison, ayaa sheegay in sidoo kale marka xaflada jinsiyad qaadashada qofku uu imaanayo in ay jiri doonaan labis rasmiya oo lasoo xidhani doono, tafaasiishana uu sheegi doono wasiirka arimaha socdaalka iyo Jinsiyada David Coleman.
Iyadoo haatan ay muda kooban ka hadhay maalinta Australia Day-da, ayaa sida muuqata ay wali sii socotaa hadal haynta khuseysa maalintaas, iyo aragtiyada kala duwan ee saaxada yaala. Balse markan Ra’iisul wasaare Scott Morrison, ayaa waxa uu ku dhiiraday in uu awoodiisa adeegsado, isagoo isku dayaya in uu maalinta Australia Day-da muranka galay ka saaro.