Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Denmark: A Policewoman turned to investigation, after hugging veiled woman, among protesters.

Denmark: A Policewoman turned to investigation, after hugging veiled woman, among protesters.

Policewoman hugging veiled woman.
Source: AljazeeraNet

Banaan bax looga soo horjeeday mamnuucida niqaabka gabdhaha muslimiintu xidhaan, ee goobaha dadweynaha isugu yimaadaan, ayaa gabadh bilaysa oo banaanbaxaasi ilaalinaysay, waxa ay isku duubtay haweeneey niqaabnayd oo ka ooyaysay go’aankaas lasoo rogay.

Arintan ayaa waxaa haatan baadhid ku haysa Hay’ada Dhagaysiga Xaaladaha Bilayska ee Denmark.

dhacdadan ayaa waxa ay buuq ka dhalisay siyaasada gudaha ee wadanka Denmark, iyadoo masuuliin ka tirsan dhinacyada kasoo horjeeda muhaajiriinta, kana mida baarlamaanka Denmark, ay sheegeen in ay bilaysku arintan qayb ka noqdeen, iyadoon loo baahnayn inay arintaas qaabkaas u dhex galaan.

Balse abukaate u hadlay bilayska ayaa sheegay in ay gabadha bilayska ahi u dhaqantay  hab u qalma xaalada dhacday,  isagoo sheegay gabadha bilayska ahi in ay ka mid tahay bilayska loo yaqaano (bilayska waanwaanta), oo loo diyaariyay xaaladahaas oo kale, iyadoo ay ka mid tahay masuuliyaadkooda in ay xiisadaha taagan waqtiga banaanbaxa in ay dhimaan. Sheegayna in ayna tani ahayn mid khusaysa niqaabka haweeneeydu ay qabtay.

Wadamada France, Belgium, Netherlands, Bulgaria iyo gobalka Bavarian ee German ayaa ka mamnuucay niqaabka goobaha guud ee dadku ku kulmaan.

 

 

 


1 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Source: aljazeera.net



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now