Jasiirada Lindholm ee Denamrka ayaa lagu tilmaami karaa meel aan lagu noolan karin. Sanado badan ayay jasiirad ahayd goob la geeyo lo'da iyo doofaarada looga shakiyo inay qabaan xanuun si loo baaro. Haddana dawlada Denmark ayaa sheegtay inay jasiiradan gayndoonto kuwo aan la rabin oo ah magangalyodoonka araajidooda la diiday oo aan ku noqon karin dalkoodii hooyo. Waxaa sidoo kale la gayndoonaa danbiilayaasha ajaaniibta ah ee la xukumay.
Danta laga leeyahay ayaa ah in la geeyo bii'ad aan lagu noolaan karin.
"Lagama rabo Denmark, waa inay garowsadaan" ayay barteeda Facebook ku qortay wasiirada socdaalka Denmark Inger Støjberg.
Xisbiga kasoo horjeeda soogalootiga iyo xisbiyada wadaaga la ah oo haysta aqlabiyada baarlamaanka ayaa soo bandhigay qorshahan.
Qorshaha ayaa ah in marka hore jasiiradan sunta laga nadiifiyo dhamaadka sanadka soosocda kadibna la geeyo 100 qof sanadka 2021 sida ay soo warisay warbaahinta The Associated Press.
Støjberg ayaa sheegtay qaxootigaas la siindoono deganaansho u ogolaanaya inay jasiiradaas oo kaliya deganaadaan haddii ay lug soo dhigaan dalka intiisa kalana la xiri doono.
Si loo qeexo sida jasiiradan sun loola xariiroyo,The New York Times ayaa kusoo warantay in doonta tagaysa jasiirada loo bxindoono Virus oo macneheedu yahay caabuq.
Talaabadan ayaa ka mid ah dadaalo ay dawladu ku doonayso inay ku xakamayso soogalootiga oo xataa ay ku jiraan kuwa hadda ku sugan Denmark.
Bishii maarso ayay dawlada Denmark sheegtay in sanadka 2030 ay ka taqalusi doonto waxa loogu yeero "ghettos" oo ah xaafado ay ku badan yihiin dadka soo galootiga ah iyadoo lagu qasbayo inay wadanka dhexgalaan oo aysan hal meel isku aruursan.
Iyagoo ka baxsanaya cadaadis, saboolnimo iyo dagaalo ayay in ka badan hal malyan oo qaxooti magangalyo u tageen Yurub. Codbixiyaasha Yurub ayaa dhankooda iyagoo ka walaacsan qaxootiga u leexday dhanka xisbiyada dhanka midig ee qaxootiga kasoo horjeeda.
Qaar ayaa sheegay in qorshahan ay dawlada Denmark magangalyodoonka ugu masaafurinayso jasiirad cidla aysan waafaqsanayan sharcuud caalamiga ah laakiin dawlada ayaa rajaynaysa in talaabadan ay dirayso fariin ah in Denmark aysan ahayn dala soogalootiga lagusoo dhaweeyo.
Xigasho: NPR