Maxkamada sare ayaa go'aan ka gaartay xubno ka tirsan baarlamaanka Australia.
Maxkamada ayaa ka fiirsatay 7 xubnood oo isugu jira aqalka sare iyo aqalka hoose waxaana ka mid ah xubnahaas ku xigeenka raiisul wasaaraha Australia Barnaby Joyce.
Maxkamada ayaa go'aamisay in Barnaby Joyce (Nationals), Malcolm Roberts (One Nation), Larissa Waters (Greens), Fiona Nash (Nationals), and Scott Ludlam (Greens) baarlamaanka aysan xaq u lahayn inay kusii jiraan.
Waxay maxkamadu go'aamisay in Nick Xenophon (NXT) and Matthew Canavan (Nationals) ay sii joogi karaan baarlamaanka.
Wararka oo faahfaahsan kalasoco SBS Somali