Ethiopia's Prime Minister has resigned.

Have Your Say: PM Hailemariam Desalegn’s Resignation

PM HAilemariam Desalegn Source: Courtesy of SLI

Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa Khamiistii (15-02-2018 ) is casilay, isagoo iska casilay xilka Ra’iisulwasaaranimada iyo Gudoomiyanimada xisbiga haya talada wadanka Ethiopia ee EPRDF.

Sababaha oogu waawayn ee ilaa iyo haatan loo tiirin karo is casilaadaa ayaa waxaa ka mida, qalalaasooyinkii waqtiyadii danbe joogtada ka noqday gobolada Oromada iyo Amxaarada ee Ethiopia, halkaas oo ay banaanbaxyo shoobarooyin isu badalay ay ka dhaceen,  dad badana ay ku dhamaadeen.

Waxaa kale oo iyaduna jirta in iska hor imaadyo hubaysnaa in ay dhexmareen labada shacab ee kala daga gobolka Soomaalida iyo gobalka Oromada ee Ethiopia, halkaas oo ay dad badani labada dhinacba kaga dhinteen, iyadoo xukuumada uu Desalegn hogaanka u yahay ay culays siyaasadeed ku ahayd dhacdadaas.

Sidoo kale waxaa iyaguna hoosta ka socotay -  tan iyo waqtigii uu geeriyooday ra’iisulwasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zinawi -  khilaafya  marba  heer marayay, oo u dhexeeyay madaxda sare ee xisbiga wadanka xukuma ( Ethiopian People’s  Revolutionary  Democratic Front)  oo sida wararka qaar ay sheegayaan garabyo  kala ahaa.

Dhanka kale, waxaa kale oo iyadu aan la inkiri Karin , in wadanka Ethiopia oo qawmiyada ku salaysan, in ra’iisulwasaare Hailemariam Desalegn, uu kasoo jeedo qowmiyada Wolaita ee degta Koonfurta Ethiopia, oo aan ahayn qawmiyadaha safka hore  ee ku hardama talada wadanka. Taas oo keeni karta is  jiid-jiidadka khilaafyada madaxda in mararka qaar ay kaalin weyn ka ciyaarto aayaha siyaasiga kasoo jeeda Afrika, oo inta badan qabiilku uu saamayn weyn ku leeyahay siyaasada.

Hailemariam Desalegn, oo jagada Ra’iisulwasaarnimada qabtay 2012, kadib markii uu geeriyooday Ra’iisulwasaare Meles Zenawi, soona qabtay jagada Ra'iisuwasaare Kuxigeenimada iyo Wasiirka Arimaha Dibada xiligii Zenawi, ayaa isagu dhankiisa hadal uu jeediyay is casilaada kadib ku sheegay, in uu rabo in is casilaadiisu ay qayb ka noqoto xal u helida xaalada cakiran ee hada wadanka Ethiopia ka taagan. Isagoo intaas ku daray in isagu laf ahaantiisu uu qayb ka noqon doono geedi socdka isbadalka Ethiopia.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Desalegn, uu waqti hore dabayaaqadii sanadii na dhaaftay 2017 uu gudbiyay iscasilaadiisii, balse aqbalaada casilaadiisu ay waqtigan timid.

Culaysyadaas aan sheegnay iyo kuwa kale oo aan la ogayn ayaa la dhihi karaa qayb ayay ka ahaayeen in uu dareemo Desalegn, in xaalada haatan ka taaga Ethiopia in ay u baahantahay cid xambaarata masuuliyadeeda, kana jawaabta.  iscasilaadana ay sidaas ku noqon karto mid ka mida jawaabaha la bixiyo marka xalkasta oo suura gala uu shaqayn waayo.


Share
3 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar.

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand