extremists could be stripped of their Australian citizenship

An Australian citizenship recipient holds his certificate during a citizenship ceremony on Australia Day in Brisbane, Thursday, Jan. 26, 2017. (AAP Image/Dan Peled) NO ARCHIVING

An Australian citizenship recipient holds his certificate during a citizenship ceremony on Australia Day in Brisbane, Thursday, Jan. 26, 2017. Source: AAP

Xagjiriinta ayay dhici kartaa in laga xayuubiyo dhalashada Australia kadibna la tarxiili karaa haddii uu hirgalo hindise ay dawlada federalku ka doodayso.




Wasiirka arimaha gudaha  Peter Dutton ayaa eegaya dariiqyo uu ku tarxiilo argagixisada haysata dhalasho dal labaad.

"Waad ka qaadi kartaa qof dhalshada Australia haddii qofkaas uusan noqonayn wadan la'aan" ayuu Mr Dutton u sheegay idaacada 2 GB maanta oo ah qamiis.

"Waxaan fiisooyinka ka kansalay tiradii ugu badnayd  si aan danbiilayaasha wadanka uga saarno, waana inaan ka kansalno dhalashada argagixisada doonaysa inay dhibaato noo gaystaan, mana doonayno inay halkan sii joogaan"

Qorshahan adag ayaa wajihidoona qatar xaga dastuurka ah maadaama ay sharcidaro tahay in qof laga dhigo mid dal lahayn.

Dalalka qaar ayaan aqoonsanayn labo dhalasho halka dalalka qaar ay qofka markiiba ka dhigayaan muwaadin dalkooda markii laga qaado dhalashada Australia.

Booliska Victoria ayaa sheegay in 3 nin oo lagu eedeeyay inay maleegayeen fal argagixiso bilowgii sanadkan laga kansamay baasaboorada.
 
Joornaalada shirkada News Corp ayaa kusoo waramaya in 400 argagixiso ah oo hayadda sirdoonka gudaha ee ASIO ay dusha kala socoto intooda badan ay haystaan labo dhalsho marka la fiiriyo halka waalidkood ama awoowayaashood ku dhasheen.
Saasoo ay tahay 6 qof oo argagixiso ah oo labo dhalasho haystay ayaa laga xayuubiyay dhalshada Australia.

Jason Wood oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberalka gudoomiyana u ah gudiga baarlamaanka ee socdaalka ayaa sheegay inuusan u dulqaadan karin arintan.

"Haddii aad u dhaarato inaad ilaalinaysa xaquuqda iyo xaqa Australia ee muwaadinimadu ku siinayso kadibna aad bilowdo inaad ka sheekayso jihaad, qandaraaskii aad Australia la gashay waad jabisay, waa inaad dalka ka baxdo" ayuu u sheegay joornaalka Daiily Telegraph.

Michael Sukkar oo isna ah xildhibaan Liberal ah ayaa aaminsan in loo baahan yahay inay sahal noqoto in dhalashada laga qaado dadka qatarta ku ah qayimka Australia"





Share
2 min read

Published

Updated


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
extremists could be stripped of their Australian citizenship | SBS Somali