Facebook ayaa la ganaaxay lacag gaaraysa 4.47 billion oo doolar kadib markii lagu helay inuu ku xadgudbay macluumadkaa gaarka dadka u ah (privacy).
Gudiga Gancsiga dawlada federalka Maraykanka (FTC) ayaa si toos ah masuuliyada u saartay milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg inuu shaqsiyan masuul uga yahay xadgudubkan dhacay.
Mr Zuckerberg ayaa lagu amray inuu shaqsiyan ansixiyo in Faceook u hogaansamay barnaamujyadeeda ilaalinta macluumaadka gaarka ah haddii kalena uu kulmayo dacwooyin madaniya ah iyo ciqaab danbiyeedyo mustaqbalka.
Quburo badan ayaa qabay in FTC ay Zuckerberg shaqsiyan u ganaaxidoonto ama xadidi lahayd awooda uu ku leeyahay shirkada.
Waa ganaaxi ugu badnaa oo FTC ay abid dul saarto shirkad weyn oo teknoolojiyada ah. Baaritaankan ayaa ka bilowday maray soo baxday in shirkada Cambridge Analytica ay aruurisay macluumka dadka isticmaala Facebook ayna macluumaadkaas iyagoo aan ogolaansho siin isticmaashay.