Booliska Victoria ayaa wali baaraya dhacdo ka dhacday xalay xaafada Brighton ee Melbourne. Arintan ayaa bilaabatay shalay galab abaaraha 4:30 markii booliska la wacay lana sheegay inay qof haween ah afduub loo haysto. Markii boolisku goobta tageen waxay heleen nin dhintay oo sida la sheegay uu dilay ninka haweenta qafaashay.
Booliska iyo ninka ayaa mudo dhowr saacadood ah isku horfadhiyay dhismo Apartement ah iyagoo markii dambe xabado is dhaafsaday halkaasna sadex booliska ka mid ah lagu dhaawacay.
Booliska ayaa saacado kadib markii dhacdadan bilaabatay sheegay inay tahay mid argagixiso la xariirta.
Intii arintan socotay ayaa Chanell 7 uu sheegay inuu nin soo wacay oo ku yiri "arintan waxaan u samaynayaa IS iyo Alqaacida" waxaa sidoo kale Channel 7 sheegay in intii ay ninka la hadlayeen ay maqleen haween ka
7 Fiidnimo ayaa lasoo afjaray iyadoo ninkii masuulka ka ahaa dhacdadan boolisku ay toogteen waxayna boolisku sheeciyeen inuu ah Yacqub Khayre oo Soomaaliya ku dhashay booliskuna ayaa aad u yaqaaneen.
Yacqub Khayre ayaa ka mid ahaa dhalinyaro 2009 lagu eedeeyay oo maxkad lagu saaray danbiyo argagixiso la xariira laakiin maxkamada ayaa wax danbi ah ku wayday.
Waxay boolisku sheegeen inuu danbiyo kale galay wixii ka danbeeyay haddana uu banaanka ku joogay damaanad {Parole}
Dhacdadan ayaa waxaa ka hadlay booliska Victoria iyo dawladaha Victoria iyo Federalka iyadoo wali ay socdaan baaritaano kala duwan oo dhacdadam.
Wixii kasoo kordha kala soco SBS Somali