Maalintii 8aad ee cayaaraha aduunka ayaa dalalka qaar guuldaro ugu dhamaatay.
2 dal oo kale ayaan wareega danbe u gudbay halka mid uu ka haray tartanka, kooxda Australiana waxay ogaadeen inay wali fursad ay kusii gudbaan inay haystaan.
Waxay u baahnaayeen inay Denmark kula cayaaraan ka fiican tii Franska
Balse xidiga Danishka hristian Eriksen ayaa u awood sheegtay Australia isagoo goolkii u horeeyay ka dhaliyay daqiiqadii 7aad.
Australia ayaa dadaal dheeraad ah muujisay waxayna nasiib u heshay rigoore markii mid ka mid cayaartoyga Denmark uu gacanta ku taabtay banooniga.
Kabtanka kooxda Australia ayaa u dhaliyay goolka rigoorada Australia.
Cayaartiina waxay ku dhamaatay 1 iyo 1.
Maxaa dhacaya hadda wixii ka danbeeya?
Australia waa inay ku guulaystay cayaarta udanbaysay ee ay Peru la yeelanayso ayna rajayso in France ay Denmarka ka badiso.
Labadaas cayaarood ayaa dhicidoona habeenka Talaadada.
Haddii Australia guulaysato, Denmark laga badiyo waxay labaduba yeelanayaan min 4 dhibcood, Australia waxay rajaynaysaa inay goolal badan oo ay dhalisay iyo kuwo yar oo laga dhaliyay inay Denmark ku reebto.
France ayaa u gudubtay wareega 16 u danbeeyay
group D, Argentina ayaa qatar ku jirta.
waxaa garaacay Croatia oo 3 iyo 0 ku dhufatay halkaas ay ku leedahay 1 dhibic oo kaliya. halka Crotia ay u gudubtay 16 dal.