Rashida Tlaib oo Palestinian-American ah iyo Ilhan Omar oo Somali-American ah ayaa noqday haweenkii ugu horeeyay oo muslimiin ah oo loo doorto baarlamaanka Maraykanka.
Tlaib ayaa ku guulaysatay kursiga 13 aad ee gobolka Michigan halka Ilhan ay ku guulaysatay kursiga 5aad ee Minnesota oo hore uu u haystay Kieth Ellison oo laftiisu muslim ahaa hadana u tartamaya inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota.
Yay yihiin Rashida Tlaib iyo Ilhan Omar?
Tlaib, waa 42 jir ay dhaleen soogalooti u dhashay Falastiin, waxayna ku dhalatay magaalada Detroit.
Waxay taariiq dhigtay markay ku guulaysatay kursi baarlamaanka gobolka michigan 2008 sidaasna ay ku noqotay muslimadii u horaysay oo baaralamaan gobol Maraykankan ah gasha.
Ilhan Omar waxay Maraykanka timid iyadoo 14 jir ah kadib markay kasoo qaxday dagaaladii sokeeyee ee Soomaaliya.
MUslim Nacaybka
Doorashada Labadan haween ayaa imanaya iyadoo uu jiro dareen badan oo Muslim nacayb ah oo ka jira Maraykanka.
Xigasho: Aljazeera