SKIP TO MAIN CONTENT

Five I-S terrorists have been stripped of their Australian citizenship

Home Affairs Minister Peter Dutton.
Home Affairs Minister Peter Dutton has announced five terror suspects are no longer Australian. (AAP) Source: AAP

1 min read

Published



Skip to article content

5 ka tirsan kooxda argagixisada ee IS ayaa laga xayuubiyay dhalashada Australia iyagoo aan waligood mardanbe loogu ogolaandoonin inay dalka kusoo noqdaan.

Wasiirka arimaha gudaha Peter Dutton ayaa sheegay in 5 tan qof oo leh labo dhalsho ay Australia dhabarka u duween markay ku biireen koox argagixiso ah oo Bariga dhexe ka dagaalanta.

Mr Dutton ayaa ABC u sheegay in kala noqoshada dhalashada Australia dadkaas labada dhalasho lahaa ay qayb wayn ka tahay jawaabta Australia ee kooxaha xagjirka argagixisada rabshada wada ee caalamka.

Wasiirk ayaa inta ku daray  " Uma qalmaan dhalashada Australia, waxaana qabnaa inay qatar yihiin haddii ay kusoo laabtaan dalka marka waxaan marar badan cadaynay inaan doonayno in dadkaas ay joogaan meelo aad uga fog xeebeheena"


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now