Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Flight centre keep selling Royal Brunei Airline despite pressure.

Calls to ban Brunei airline from Australia in wake of death penalty for gay sex
Calls to ban Brunei airline from Australia in wake of death penalty for gay sex Source: AAP

Mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee gada tigidhada dayuuradaha iyo safradaha ayaa sii wadaysa inay gado tigidhada diyaarada Royal Brunei Airlines iyadoo shirkadu sheegtay in shacabka Brunei ay taabanayso haddii, la mamnuuco in la gado diyaarada tigidhadeeda.

Dawlada Brunei ayaa aad loogu dhaliilay sharuuc adag oo ay soo rogtay oo ay ku jiraan in dil lagu xukumo dadka sinaysta iyo dadka isku jinsigaa ee isugalmooda.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqda iyo dad caan ah ayaa ku baaqay in la qaadaco hoteelada ay leedahay dawlada Brunei iyo diyaarada qaranka  Royal Brunei Airlines.

Diyaaradan ayaa hadda maalin walba ka duusha Melbourne.

Shirkada Flight Centre Travel Group ayaa sheegtay inay kasoo horjeeda sharciga dawlada Brunei soo rogtay ayna cabashadooda u gudbindoonto dawladaas.

Flight Centre ayaa intaa ku dartay in dadka kansalaya tigidhka diyaaraas inaan la qaadayn qarashka caadiyan laga qaado dadku markay tigidhka kansalaan oo ah 3 boqol oo doolar haddii tigidhku yahay mid dalka dibadiisa loo goostay.

Laakiin Flight Centre ayaa intaa ku dartay in shirkada  Royal Brunei Airlines aysan iyadu cafinayn 150 doolar oo ay ka qaadato cidii kansasha tigidhkooda.


1 min read

Published



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Watch now