Xiriirka Kubadda Cagta ee Australia ayaa qorsheynaya in ay baratan u galaan marti galinta Koobka Aduunka ee FIFA Women 2023, ahna koobka kubada cagta ee dumarka ee FIFA 2023.
Madaxa Xiriirka Federaalka Australia David Gallop ayaa sheegay in dalabku uu u baahan doono maalgelin wax ku ool ah.
David ayaa sheegay in haatan uusan baaxada maalgalin ee ay ku kacayso martigalintan uusan xadidi karan, una baahantahay in daraasa balaadhan lagu sameeyo, balse waxa uu sheegay in hadii ay ku guulaystaan in ay faa’iida dhaqaale oo wax ku oola in ay leedahay.
David ayaa oogu yeedhay madaxda federaalka Australia iyo goboladaba in arinkan ay culayskooda ku biiriyaan si wadajira.