Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Former Prime Minister Malcolm Turnbull is asking Scott Morrison, to have the issue of of Peter Dutton's eligibility referred to the High Court.

Malcolm Turnbull and Peter Dutton
Malcolm Turnbull and Peter Dutton Source: AAP

Raiisul wasaarihii hore Malcolm Turnbull ayaa ninkii xilka kala wareegay Scott Morrison ku qalqaalinaya in arinta Peter Dutton loo gudbiyo maxkamada sare si ay go’aan uga gaarto inuu xaq u leeyahay inuu baarlaamaanka kusii jiro iyo in kale.

Xaq u yeelashada Mr Dutton inuu baarlamaanka kusii jiro ayaa suaal la galiyay maadaama uu wax ku leeyahay xarumo caruurta lagu hayo oo dawlada federalka ah lacago ka qaataa.

Mr Turnbull, oo fasax ku jooga Maraykanka kadib markuu iska casilay baarlamaanka ayaa bartiisa twitherka ku qoray “ si shakigu u baxo waa in Mr Dutton loo diro maxkamada sare”

RW Scott Morrison ayaan waxba kazoo qaadin hadalka ah in wasiirka arimaha gudaha loo diro maxkamada sare si ay go’aan uga gaarto inuu xaq u leeyahay inuu sii fadhiyo baarlamaanka federalka.

Xaq u yeelashada Mr Dutton ayaa ka dhalatay qodobka 44 aad ee dastuurka oo suaal galinaya maadaama uu wax ku leeyahay xarumo caruurta lagu hayo oo dawlada deeqo ka qaata.

Mr Morrison ayaa sheegay inuu ixtiraam u hayo Mr Turnbull laakiin uusan aaminsanayan in kayska Mr Dutton loo diro maxkamada sare.

Mucaaradka ayaa ku eedaynaya dawlada federalka labo wajiilenimo marka la eego sida ay ula dhaqmayso wasiirka arimaha gudaha.


2 min read

Published




Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now