Fariimo hambalyo ah ayaa laysku dhaafsanayaa warbaahinta bulshada kadib markii loo doortay garsoore Abdulqawi Ahmed Yusuf inuu madax ka noqdo maxkamada caalamiga ee garsoorka .
Xaakimka Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf ayaa loo doortay inuu madax ka nowdo maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague.
Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu hadda ahaa ku xigeenka maxkamadaasi.
Maxkamadan caalamigaa ayaa la aasaasay 1948.
Waxaa ka mid ahaa dadka u hambalyeeyay madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajo oo bartiisa Twitherka ku qoray.

Source: Twither