Germany threatens full 'overhaul' of Turkey relations as row deepens

Germany threatens full 'overhaul' of Turkey relations as row deepens

Turkish president Recep Tayyip Erdogan (R) and German chancellor Angela Merkel at the G20 summit

Turkish president Recep Tayyip Erdogan (R) and German chancellor Angela Merkel at the G20 summit in Hamburg Source: AAP

Dawlada Jarmalka ayaa talooyinka xaga safarka ah kusoo rogaysa dalkan ay NATO ku wadajiraan iyadoo wasiirka arimaha dibada Jarmalka Sigmar Gabriel uu uga digay inaysan damaanad qaadi karin amaanka muwaadiniintooda maadaama ay Turkey ka jiraan xarig wadareed aan sharci ku dhisnayn waa sida uu wasiirku hadalka u dhigaye.

Talaabadan ayaa dharbaaxo ku ah hayadaha dalxiiska Turkey oo qayb lixaad leh ka qaata dhaqaalaha Turkey oo hoos u dhac ku yimid.

Maalin ka dib markii wasaaradiisu u yeertay safiirka Turkey u jooga Jarmalka ayuu wasiirku soo gaabiyaya fasax uu ku jiray isagoo kusoo noqday Berlin si hadal aan looga baran oo kulul ugu jeediyo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Xiriirka Turkiga iyo Jarmalka oo hoy u ah ilaa 3 malyan oo Turkey asalkoodu yahay ayaa aad xumaa gaar ahaan wixii ka danbeeyay afganbigii dhicisoobay ee sanad ka hor dhacay.
Maxkamad Turkey ah ayaa amartay in 6 qof oo xaquuqul binaadanka u ololeeya xabsiga lagusii hayo.

 

Madaxweyne Erdogan ayaa ka digay inuu " qoorta ka goyndoono kuwa uu ku tilmaamay qaainul wadaniyiinta " iyadoo Turkey xustay sabtidii lasoo dhaafay sanad guuradii kasoo wareegatay isku daygii cinqilaabka.





Wasiirka arimaha dibada Jarmalka Gabriel ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan maalgashiga Turkey wuxuuna ku booriyay ganacsatadu inaysan lacagtooda galin dalkaas.






Share
2 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand