Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Government calls for Labor MP Susan Lamb's resignation

Government calls for Labor MP Susan Lamb's resignation

Labor MP Susan Lamb.
Labor is under fire from the government over the citizenship of its Member for Longman Susan Lamb. (AAP) Source: AAP

Iyadoo u muuqata sii jiidanka arintii sandkii dhamaaday 2017 buuqa ka dhex abuurtay labada aqal ee baarlamaanka Australia, ahaydna tuhunka laba jinsiyad-haysashada, ayaa Xukuumada Turnbull ay ka codsatay gabadha ka tirsan Laborka, ee xubinka baarlamaanka ah  Susan Lamb, in ay iska casisho xubinimadeeda, hadii kale ay ku wareejin doonaan dacwadeeda maxkamada Sare.

Balse dhankooda, Xisbiga Laborka ayaa ku andocoonaya in hadii Susan Lamb  lagu wareejiyo Maxkamada Sare, arimaha la xidhiidha  jinsiyada dartood, in sidoo kale ay caadaaladu tahay, in qaar ka mida  xubnaha dawaladana maxkamada loo diro iyagana.

Xukuumada ayaa iyadu u aragta in aqlabiyadeeda liidata  ee aqalka hoose - oo ay isku hubsatay kadib liic-liic badan oo ay soo martay -  in ay u adeegsato Susan Lamb, si ay maxkamada oogu dirto, hadii ay iskeed isu casili weydo.

Laborka ayaa ku adkaysanaya in Susan, ay kasoo baxday waxii looga baahnaa si ay ooga tanaasusho jinsiyadeedii Britain ay ka haystay.

Tan ayaa noqonaysa tusma cadaynaysa in ayna fari ka qodneyn arinta tuhunka laba-jinsiyad haysashada, ee guuxa siyaasadeed ka dhex abuurtay baarlamaanka Australia, sanadii na dhaaftay 2017.


1 min read

Published

Updated

Presented by Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now