Watch FIFA World Cup 2026™

LIVE, FREE and EXCLUSIVE

Guatemala declared to move its embassy to Jerusalem.

Guatemala declared to move its embassy to Jerusalem.

Map to indicate Guatemala location
Source: SBS

 

Wadanka Guatemala ayaa ku dhawaaqay in ay  safaaradooda u rari doonaan magaalada Qudus.

Go’aankan ay Guatemala gaadhay ayaa isagu imaanaya, kadib markii ay maalma ka hor ka mid noqotay sagaalkii wadan ee taageeray go’aankii uu Maraykanku  Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimada Israel, iyaga oo sidaas kaga soo horjeedsaday  go’aankii  Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, uu sida aqlabiyada ah oogu codeeyay, iyada oo 128 wadan ay u codeeyeen in go’aankii Trump ee Qudus, uusan sharciyad haysanin, wax saamaynana uusan bahda aduunka ku yeelan doonin.

 Madaxweynaha Guatemala Jimmy Morales, ayaa shir saxaafadeed uu qabtay ku sheegay, in Guatemala iyo Israel ay saaxiiba jireena ahaayeen mudo 70 sana ah, go’aankana uu qaatay kadib markii ay wada hadleen ra’iisulwasaaraha Israel Benyamiin Netanyahu.

 Ra’iisulwasaaraha Israel Benyamiin Netanyahu, ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxweynaha Guatemala go’aankiisaas uu qaatay.

Dhinaca kale wasaaradaha arimaha dibada ee Falastiin iyo Jordan, ayaa aad u daleeceeyay talaabadaa ay Guatemala qaaday, iyagoo ku tilmaamay in talaabadaasi ayna sharciga waafaqsanayn, meel kadhacna ay ku tahay xeerarka caalamamka u yaala. 

Guatemala ayaa noqotay – Maraykanka kadib - wadankii labaad ee ku balanqaada in ay safaaradooda usoo rarayaan magaalada Qudus, isaga oo Netanyahu, uu sheegay in ay xigi doonaan dalal kale oo go’aankan oo kale ku dhawaaqi doona waqti dhaw.

 


2 min read

Published

Updated

By Mohamed A Madar



Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps

Listen to our podcasts

Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS

Somali News

Stream now