Guryo dheeraad ah oo la dhiso
In guryo dheeraad ah la dhiso ayaa door wayn ku leh in la qafiifiyo guryo gadashada sii adkaanaysaa. Miisaaniyadii 2017-2018 dawlada ayaa ku dhawaaqday inay kordhinayso guryaha cusub ee la shisayo iyadoo la kaashanaysa maamul goboleedyada si loo dejiyo yool lagu xisaabtamo.
Dawlada ayaa sidoo kale qorshaynaysa inay asaasto xarun maaraysa guryanta oo ay ku baxayso 1 Bilyan oo dooalar oo ka dhista guryo cusub dhul loo qoondeeyay.

In la abuuro fursado kala duwan oo guryo.
Maadaama suuqa guryuhu isbadalayo, waxaa fiican in dib loo eego canshuuraha ogolaansha la siiyo guryaha la dhisayo oo xataa la qaado xadidaada inta uu gurigu le'ekaanayo.
Dad badan ayaan suuqa gali karin sababtoo ah guryaha Australia celcelis ahaan waa kuwo waaweyn, marka waa inaad lacag badan usoo daymati si aad u gadato guri wayn.
Dawlada NSW ayaa hadaba soo bandhigtay qorshe ah in shirkadaha guryaha laga rabo in guryaha ay dhisayaan 10% ay noqdaan kuwo jaban.
In dibuhabayn lagu sameeyo negative gearing
Negative gearing oo macneheedu yahay in qofka guriga ku gata si maalgashi ah ee uusan gurigaas ahayn mid uu degan yahay in qarasha uga baxa oo ay ku jirto dulsaarka bangigu saaro lacagtuu guriga ku dayntay in markaas dawlad canshuur dhaaf ugu samayso, arintaan ayaa waqti badan ka ahayd Australia mid muran dhalisay.
dadka kasoo horjeeda negative gearing waxay ku doodayaan in nidaamkan uu dhiiragalinayo in dad badan ay guryo maalgashi ahaan u gataan taasoo qiimaha guryaha cirka gaysat oo ku adkaysay in dad ay gataan gurigoodii koowaad oo ay ay degi lahaayeen.

In la abuuro guryo la siiyo dadka darbijiifka noqda.
Dawlada ayaa waqtiga dheer qorshayanysa inay asaasto heshiis qaran oo guryaha iyo guryo la'aanta oo lagu maalgaliyo si ay u caawiso dadka darbijiifka noqday iyo kuwa guryaha degdegaa u baahan.
In la sameeyo guryo dawladeed oo dheeraad ah.
Waxaa dhici karta in guri dawladeed lagu siiyo si loo caawiyo dadka daqliga yar iyo dadka aan awoodin inay guri gataan ama dhibku ka haysto inay gur gaar loo leeyahay kiraystaan.
Haddi guri noocaas ah lagu siiyo wali waxaa lagaa rabaa inaad kiro bixiso laakiin waxaa loo qiyaasayaa kirada aad bixinayso inaysan ka badan 25% daqligaaga ama mushaar ha noqdo ama mid cayrta kaa soo gala.
Macluumaad dheeraad ah booqo Social housing income and assets limits.
Image
Useful links
Macluumaad dheeraad ah ku saabsan hayda guryaha ee gobolkaaga hoos ka eeg.
NSW: http://www.housing.nsw.gov.au/living-in-public-housing
Victoria: http://www.housing.vic.gov.au/public-housing
Western Australia: http://www.housing.wa.gov.au/housingoptions/rentaloptions/publichousing/Pages/default.aspx
Queensland: https://www.qld.gov.au/housing/public-community-housing/
Northern Territory: https://nt.gov.au/property/public-housing
Tasmania: http://dhhs.tas.gov.au/service_information/information/public_rental_housing
ACT: http://www.communityservices.act.gov.au/hcs

