Iyadoo maalmihii nasoo dhaafay Gobalka Victoriya ay soo martay kulayl aad u daran, si gaara maalmihii Sabtida iyo Axada , ayaa dhinacyada xaaladaha hawada eega waxa ay ka digayaan in maalinta bari oo Talaada ah, in ay filayaan in ay ka dhacayaan qayba ka mida gobalka Victoria, oo ay ka mid tahay Melbourne, roobaab mahiigaana oo daadad wata, ayna dhici karto in khasaara ay gaystaan.
Si gaara digniinta waxa ay sheegtay in bariga Victoria ay roobab culculus ku dhufani doonaan, kuwaasoo sababi kara daadad xoog leh.
Iyadoo uu premierka Victoria Daniel Andrews uu ku hawlanyahay, in uu kala shaqeeyo dhinacyada bixiya korantada sidii ay magdhaw usiin lahaayee tobanaan kun oo dada oo degaan iyo ganacsata isugu jira, oo dhismayaalkoodii korantadu ka go'oday Axadii, ayaa barito Talaadada waxaa loo tooga hayaa diyaar garoowga roobab dhibaato keeni kara.
Xaaladan ayaa ka turjumaysa cimilada gobalka Victoria, si gaara magaalada Melbourne, oo xaalada hawada aan la isku halayni karin, ayna dhici karto mararka qaar in cimilada afarta xili hal maalin ay kusoo wada marto.