How to participate in the Anzac Day Commemoration.

How to participate in the Anzac Day Commemoration.

War World I Tribute

Source: iStock Editorial

Taariikhda Anzec Day.

25 ka Abril,  sanad kasta, wadanka Australia waxa laga xusaa munaasabada Anzac Day-da, taasoo lagu xusuusto taariikhda geesiyaashii hore ee Australi iyo New Zealand, kuwaa oo sanadkii 1915  ka dagay  jasiirada Gallipoli ee Turkiga ku taala, xiligii dagaalkii  koobaad ee aduunka.

 Dadka ay hada khusayso

Brian Dawson, oo ka tirsan Waaxda Taalooyinka iyo Noolayn Taariikhda Dagaalada Australia,     ayaa sheegay in sanadii xigtay dhacdadii Anzac Dayda ee 1916, in dadkii munaasabada xusida Anzac Dayda kasoo qayab galay , in ay badanaa  ahaayeen dad  ciidan. taasoo lagu xusuyaya cidamadii halyeeyada ahaa ee geeriyooday , ee isugu jirtay ciidanka dhulka cirka iyo kuwa bada.

Balse Dawson, ayaa cadeeyay in xiligan hada la joogo, in xusidu ay tahay mid khuseeysa dhamaan ciidamadii Australia ee dagaalada kala duwan  ka qayb galay.

 Biloowga Munaasabada Anzac Day-da.

Dabaaldaga Maalinta Anzac Daydu, waxa uu ku biloowdaa kulan furan oo la qabto aroorta hore, waqti ku dhaw waqtiyada Salaada Subax la tukanayo oo loo yaqaano "Dawn Service" .

 Kadib maxaa xiga

Xaflada biloowga ee Dawn Serviceka, waxaa ku xiga "Gunfire Breakfast", oo ah qureec baabeque caadi ah, oo sausages , rooti iyo ukun ah, iyadoo mararka qaarna  lagu darsado qaxwo lagu badhxay dhadhanka cabitaanada.

Kadib quraacdaa,  waxaa biloowda gaardiga ciidamada, oo dhamaan daafaha Australia ka dhaca.. 

 Ciidankee Gaardiya.

Ciidamadii Ka qayb galay dagaalda Anzac Day da lagu xusuusto, ee sida dagaalka labaad ee aduunka oo kale, dad yar ayaa hada ka nool.  Inta noolna waxa ay ku jiraan cimri kor u dhaafaya 90  sano,  Balse dagaalyahanadii kalee ee waqtiyadii ka danbeeyay dhacay sida colaadihii Kuuriya, Vietnam iyo kuwa waqtiyadan dhaw dhacay sida kuwii Soomaaliya, Afqhanistan iyo Ciraaq ka dhacay, ee ay ka qayb galeen ciidamadii Australia ee dhulka, cirka iyo bada ciidamadaas ayaa gaardiga sameeya.

Goobaha munaasabada Anzac Day da lagu qabto.

Canberra, waxaa lagu qabtaa munaasabada xusida Anzac day da, saaxada Taalooyinka Dagaalka ee Australia.

Sydney: Waxaa lagu qabtaa "Martin Place, oo ku taala The Cenotaph.

Melbourne:Shrine of Remembrance.

magaalooyinka kalena sidoo kale waa ay leeyihiin, xitaa tuulooyinku waa ay leeyihiin.

 Dad badan oo taariikh ku leh halyayadii hore ee ciidanka Australia, waxa ay kasoo jeedaan dhaqama kala duwan, taas ayaana si wacan ooga dhigaysa dhamaan bulshooyinka Australia in ay wadaagaan taariikhda Anzac Dayda,


Share
3 min read

Published

By Mohamed A Madar.
Source: SBS

Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand
How to participate in the Anzac Day Commemoration. | SBS Somali