Ra'iisulwasaarihii Hore ee Australia John Howard, ayaa oogu yeedhay xubnaha baarlamaanka ee isbahaysiga, in ay dhan iska dhigaan khilaafkooda, ayna taageeraan hogaamiyahooda Malcolm Turnbull..
Hadalka John Howard, ayaa imaanaya xili ay isbahaysiga talada haya ay soo baxday in ay ku hooseeyaan odorska codadka lagu sii eego ee dhanka doorashooyinka, taasoo 30 cod qaadid ay kaga hooseeyeen Laborka.
Waxaa kaloo jirta in in ay soo baxday in tira masuuliina oo ka tirsan isbahaysiga in ay aad ooga walaacsanyihiin ifafaalahaas soo baxaya, iyadoo doorashooyinkii ka fikirkooda la bilaabay.
Balse Mr Howard, oo shabakada ABC la hadlayay ayaa sheegay in uusan dareensanayn wax saan saana oo tusaysa in ay jirto cid doonaysa badalitaanka hogaanka, isagoo sheegay in arintu ayna ahayn mid saaran kaliya hogaamiyaha balse ay tahay mid si guud is bahaysiga u saaran.