Imam been abuur ah laga sameeyay

Imam in Storm Harvey fake news story says he's never been to Texas

Imam Ibrahim Hindy from Toronto was used in a fake news story about Storm Harvey.

Imam Ibrahim Hindy from Toronto was used in a fake news story about Storm Harvey. Source: Ibrahim Hindy Twitter

Nin lagu sheegay inuu albaabka masaajidkiisa ka xirtay dadkii dhibku kasoo gaaray duufaantii Harvey ee ku dhufatay magaalada Houston ee dalka Maraykanka ayaa been abuur ku tilmaamay warkaas oo dhan wuxuuna caro ka muujiyay in sawirkiisa loo isticmaalay warkaas beenta ah.
 
Wuxuuna intaa ku daray inuusan waligiisba tagin gobolka Texas ee duufaantu ku dhufatay.

 Imam Ibrahim Hindy oo ah muwaadin Candian ah ayaa sheegay inuu yahay ninka sawirka warka beentaa lagu qaatay warkaas oo lagu sheegay Imam lagu magacaabo Aswat Turads oo maamaula masaajidka Ramshan Mosque oo Texas ku yaal uu diiday inuu albaabada u furo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay duufaantii Harvey.

Warkan la qoray ayaa ka nixiyay Imam Hindy oo sheegay in marka sheekadan la qorayay uuba gudanay Xajka oo ku sugnaa magaalada Mecca isagoo intaa ku daray inuusan waligiisba tegin Texas.

Wuxuuna bartiisa facebook ku qoray "Markaan toosay ayaan fiiriyay Telefoonkayga waxaana arkay dad igu xiray sheekadan oo Twitherka lagu qoray..
Twett by Imam Ibrahim Hindy
Source: Twither Ibrahim Hindy
Marka si aan dadka ugu xaqiijiyo ayaan ku qoray " Waxaan ku hoos jiraa teendho" "Waxaan ku suganahay Makka" "Waligayna ma tagin Texas".
Tweet by Imam Ibrahim Hindy
Imam Ibrahim Hindy Source: Twither Ibrahim Hindy



Share
1 min read

Published


Share this with family and friends


Follow SBS Somali

Download our apps
SBS Audio
SBS On Demand

Listen to our podcasts
Independent news and stories connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians.
Ease into the English language and Australian culture. We make learning English convenient, fun and practical.
Get the latest with our exclusive in-language podcasts on your favourite podcast apps.

Watch on SBS
Somali News

Somali News

Watch in onDemand